Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Wargayska Somalilandtoday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Wargayska Somalilandtoday.
July 19, 2016 - Written by Editor:

“Xadhigani Waa Cabudhin la Doonayo in lagu kelifo fulinta Danno Siyaasadeed oo Wasiirka Hawlaha Guud leeyahay”

Hargeysa, July 20, 2016 (Wajaalenews.net) Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ah Gudoomiyaha shabakada wararka ee Somalilandtoday.com, isla markaana xubin ka ah shaqaalaha TV-ga Qaranka ayay Bileyska Somaliland ka soo qabteen albaabka Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay xabsiga dhigeen, ka dib markii sida la sheegay uu sidaa amray wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

“Xadhigaaga waxa amray wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland, balse wax waaran ah oo aanu haysanaa ma jirto” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiishii qabanaysay weriye Muniir.

Ma jiro war ay bileysku ka soo saareen xadhiga weriyaha, hase yeeshee, sida ay wararku sheegeen Muniir Axmed Cigaal ayaa beryahanba waxa loo soo jeedinayay inuu la shaqeeyo xukuumadda Somaliland, gaar ahaana wasiirka Hawlaha guud Cali Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka dalbaday in wararka uu ku baahiyo Wargayska Somalilandtoday ay la mid noqdaan kuwa uu kaga shaqeeyo TV-ga Qaranka oo uu shaqaale ka yahay, balse uu Muniir arrintaasi kaga jawaabay in TV-ga Qaranka ay xukuumaddu leedahay, balse wargaysku  yahay mid madax banana, isla markaana uu wararka u tebin doono si madax banan. Sidaana waxa noo sheegay qaar ka mid ah ehelada Weriyaha oo noo waramayay ka dib markii la xidhay weriyaha.

wariye muniir

Hase yeeshee, warar kale oo ka ag-dhaw XUkuumadda ayaa iyaguna noo sheegay in Weriye Muniir loo haysto gacan ka hadal dhexmaray nin kale oo Shicib ah, ka dib markii Muniir iyo ninka Shicibka ahi isku af-dhaafeen wararka uu baahiyo oo uu ninka shicibka ahi ku tilmaamay kuwo mucaaradnimo ah, isla markaana xukuumadda Somaliland ka soo horjeeda, balse Muniir aanu sidaasi u arkayn, taasina ay keentay inuu muran dhexmaro. Murankaasina keenay in gacan ka hadal dhexmaro labadaasi qof.

Balse warkani waxa uu intaasi ku daray in gacan ka hadalkaasi uu ku koobnaa oo keli ah laba qof, laakiin markii dambe uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Cali Maxamed (Cali Mareexaan) soo galay, maadaama oo ay hore Muniir iskugu seegeen habka werinta wararka oo aanu wasiirkaasi jeclaysan, isla markaana uu Bileyska Somaliland ka dalbaday inay xabsiga soo dhigaan weriyahaasi.

“xadhigani waa cabudhin la doonayo in lagu kelifo fulinta danno siyaasadeed oo Wasiirka Hawlaha Guud leeyahay” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah ehelada Weriye Muniir oo ka waramayay xadhigiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee xadhiga weriyahani iyo xidhitaanka dhawr Wargeys oo ka soo bixi jirey magaalada Hargeysa oo ay xukuumaddu albaabada u laabtay, sida Wargeyskii Haatuf iyo saddexdii luuqadood ee uu soo saari jirey, wargeyskii Hubsad, Wargeyskii codka Shacabka iyo weriyayaal tiro badan oo qaarkoodna lagu garaacayba qaar ka mid ah guryaha ay masuuliyiinta xukuumaddu degan yihiin, ka dib markii iyaga oo suuqa maraya inta la qaatay lala tegay iyo meel ka dhacyo tiro badan oo soo kordhaya oo dhan ah xukuumadda Somaliland waxay cabudhin ku yihiin saxaafadda xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay dastuurka iyo xeerka saxaafadda Somaliland iyo kuwa caalamiga ahiba mamnuuceen in la cabudhiyo. Iyada oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo noqonaysa xukuumaddii xabsiga dhigtay tiradii ugu badnayd ee weriyayaal ah, marka la babardhigo xukuumadihii ka horeeyay, tusaale ahaan waxay saddex jeer ka badan tahay tirade weriyayaasha ay xukuumadda Siilaanyo xidhay, kuwii ay saddexdii xukuumadood ee ka horeeyayba isku darkooda xidheen.

Isku soo duuboo, xadhigani Weriye Muniir wuxuu noqonayaa cabudhin iyo cagajuglayn la doonayo in saxaafadda loogu hogaamiyo danno siyaasadeed oo aan waafaqsanayn anshaxa saxaafadda.

COMMENTS
LINKS