Xaflad Oo Taageero Loogu Raadinayo Wareejinta Dekeda Berbera Oo Caawa Lagu Qabtay Hotel Maansoor Iyo Dareenada ku xeeran!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaflad Oo Taageero Loogu Raadinayo Wareejinta Dekeda Berbera Oo Caawa Lagu Qabtay Hotel Maansoor Iyo Dareenada ku xeeran!!!
July 29, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Xaflad  Muxaafadayasan Oo Taageero Loogu raadinayo wareejinta dekeda Berbera ayaa caawa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa,shirkan oo ay soo abaabushay Madaxtooyadu balse  muunad looga dhigay Magaca Aqoonyahanka Somaliland kaasi oo ay  dulucdiisu ahayd  sidii taageero loogu heli lahaa wareejinta Dekeda Berbera oo ay badi kula qaybsan yihiin shacabka Somaliland,waxaana shirkan musdanbeed u ah qaar ka mida golaha wasiirada oo mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa sidii ay kalsooni uga heli lahaayeen shacabka,waxaana shirkan qayb ka ahaa safiirka Emirateka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil,Wasiirka wasaarada Maaliyada Sam Sam Cabdi Aaden, iyo Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada golaha Guurtida iyo  wakiilada ee muxaafadka ah.

Wareejita Maarsada Bebera ayay xukuumadu heshiis kula gashay in ay maalgaliso Shirkada Dekedaha ee DP world oo laga leeyahay isu taga imaraadka carabta,waxaanu heshiiskani yahay mid qabyo ah oo kaliyaata isfaham ah iyada oo xukuumadu ka qaadatay shirkadaas xaqu qalin dhan 15000000(shan iyo toban milyan oo dolar)

Sidoo kale waxaa  Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu ansixiyay cod gacan taaga heshiiska  wareejinta dekeda berbera iyada oo dhamaan isla qaateen in la wareejiyo dekeda Berbera,waxaana haatan la filayaa in maalmaha inagusoo fool leh la horkeeno ansixintiisa laba aqal baarlamaan kaas oo xukuumadu warwar badan ka qabto ansixintiisa taasina ay keentay in taageero badan loo raadiyo waana ta caawa keentay in shirkan guulwadaynta ah iyo qaar kale oo lamidaba la qabto.

Qadiyada wareejinta maarsada Berbera ayaa mudooyinkii u danbaysay ahayd mid siraadnayd oo ay badi kukala qaybsameen bulsho waynta Somaliland taas oo keentay in mudaharaado lagagasoo horjeedo wareejinta dekeda berebera ay ka dhacaan qaar ka mid ah magaalooyinka wawayn ee Somaliland.

COMMENTS
LINKS