Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Diiday inuu Ka Hadlo Xadhiga Wariyihii HCTV Ee Ethiopia Ku Xidhnaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Diiday inuu Ka Hadlo Xadhiga Wariyihii HCTV Ee Ethiopia Ku Xidhnaa.
July 8, 2016 - Written by Editor:

Gabiley (Wajaale News): – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa maalintii ciidal fidriga  isagoo la hadlaya dadwaynaha reer Gabiley si cad u diiday Inuu ka hadlo xadhiga wariyihii Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV uga soo warami jiray Gabiley oo muddo aan la ogayn meel uu ku xidhan yahay, mar ay waydiiyeen suxufiyiintii halkaasi ku sugnaa laakiin aanu wasiir ku dhag jalaq u siin si badheedhana uga dhaqaaqay goobtii uu ka hadlayay.

Wasiirka warfaafinta ayaa intuu la hadlayay shacabka reer Gabiley ka waramay khudbad dheer oo aan macno buuran u samayn dadkii dhagaysanayay iyo shacabka oo u dheg taagayay maadaama uu yahay wasiirkii warfaafinta Somaliland, wariyaha xidhanina ka mid yahay bahda warbaahinta Somaliland inuu ka hadli doono.

Dadwaynaha goobta ku sugan ayaa  sidoo kale ka filayay wasiirku inuu ka jawaabi doono eedii Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia u gudbisay shirkada Thaicom, ee ka kiraysay satalaydka telefishanada Soomaalida, oo dawlada Somaliland ku tilmaamtay inay tahay meel yar oo qas iyo dawlad la,aani ka jirto isagoo gebi ahaan baa an soo hadal qaadin. Wasiirka ayaan ka hadal arimihii taagnaa ee shacabka reer Gabiley ka filayeen inuu ka hadlo maadaama uu yahay af-hayeenkii xukuumada iyo Wasiirkii arintan khusaysay.

Shacabka reer Gabiley oo shaki wayn ka gaadhay in xukuumadoodu tahay mid u damaanad qaadi karaysa ilaalinta xoriyadooda iyo nabadgalyadooda ba maadaama bay yidhaahdeen ay wasiiradii ka cabsanayaan inay ka hadlaan ama ka war helaan meesha uu ku xidhan yahay wariyihii HCTV ee gobolka Gabiley oo  la sheegay markii u danbaysay inuu ku xidhan yahay jeel ku yaala magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia laakiin aanay jirin cid soo aragtay Dawlad iyo Shicibba.

Xadhiga suxufigan ee cabsida galiyey shacabka reer Gabiley ayaa laga yaabaa inay sii kordhiso tahriibta ay dadkka reer Somaliland dalkooda ka cararayaan maadaama oo aanay jirin dawlad u damaanad qaada inay nabad ku noolaadaan ee dawladaha jaarku ka dhex ugaadhsan karaan maalinba qofka la doono, arintaasi oo la odhan karo. Shacabka reer Gabiley na waxay qorshaynayaan in maalmaha soo socda haddii Mukhtaar xaaladiisa iyo xadhigiisa laga hawl gali waayo ay samayn doonaan banaanbax ay madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia kaga dalbanayaan inuu dar ilaahay u cafiyo wariyihii telefishanka HCTV ee gobolka Gabiley.

 

Hawl-wadeenada Shabakada Wararka ee

Wajaale News

Gabiley Somaliland.

COMMENTS
LINKS