Wasiirka Arimaha Dibada Masar Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Israel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Masar Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Israel.
July 11, 2016 - Written by Wariye:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Sameh Shoukry, ayaa waxaa uu maanta booqasho rasmi ah uu ku tagey Israel, si loo soo noolleeyo wada hadaladii ay la lahaayen Falastiin.

Wasiirka, ayaa Magaalada Jerusalem kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, waxaana uu kala hadlay in markale laga shaqeeyo dadaaladii lagu dhex dhexaadinaayay iyaga iyo Falastiiniyiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar oo shir jaraa’id ka hadlaayay, ayaa sheegay in dalkiisu uu ka go’an yahay in la dhex dhexaadiyo Falastiin iyo Israel, xalkuna uu u muuqdo in la helo laba dal oo deris ah.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa booqashadan ku sheegay mid muhiim ah, isla-markaana uu

soo dhaweynayo hogaanka Masaarida.

Netanyahu oo ka barbar hadlaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa waxaa uu rajo ka muujiyay in booqashadiisan ay soo noollayn doonto wada hadaladii ay la lahaayen Falastiiniyiinta.

Masar iyo Israel, ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday sanadkii 1979-kii, waxaana si hoose ku socday iskaashiga ay ka leeyihiin arrimo uu ammaanku ugu muhiimsan yahay.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS