|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Maaliyadda Oo Bilawday Nidaam Cashuureed Casri Ah
July 10, 2016 - Written by Editor:“Sannadkan Waxaanu Ku Soo Kordhiyay Mobile Aanu Siinay Taraafikada Oo Sheegaya Qofka Gaadhiga Leh Magaciisa” Wasiirka Samsam Cabdi Aadan HARGAYSA(Wajaalenews) Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa shaacisay in ay bilaabayaan ololaha cashuur ururinta gaadiidka ee loo yaqaano Waddo marista, qaybta labaad ee sannadkan 2016-ka, waxaanay ciidamada Waddooyinka u qaybisay qalab casri ah oo ka caawin doona hawshooda. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo shalay shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda magaalada Hargeysa ayaa si rasmi ah u shaacisay bilawga ololaha cashuur ururinta, sidoo kalena waxay ka warantay nidaam cashuureedkan cusub ee ay isticmaali doonaan inta ka hadhay sannadkan. Marmo Samsam Cabdi Aadan iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxay tidhi “Maanta waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa cashuurta waddo marista gaadiidka oo sannadkan nidaam cusub ah, taas oo leh warbixin amaan oo dhamays tiran, isla markaana ay dadku qaadan doonaan.” Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Ololahan cashuurtu waxa uu bilaabmayaa maanta wixii ka dambeeya, anaga oo intii hore dadka uga tudhnay Ramadaantii iyo Ciida barakaysan, sannadkan waxaa lagu soo kordhiyay Mobile-kaas oo aanu siin doono Taraafiga iyo shaqaalaha ku hawlan, Mobile-kaasi waxa uu sheegi doonaa gaadhiga lagaga tago meel dariiq ah ama aan lahayn cashuur, kaas oo marka lambarkiisa la galiyo soo saaraya qofka gaadhiga leh magaciisa oo saddexan. ” Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay mahadnaq ballaadhan u jeedisay shacbi-weynaha reer Somaliland, iyada oo ku amaantay sida weyn ee ay cashuurta isaga bixiyaan, waxaanay tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Somaliland ee sida wanaagsan isaga bixiya cashuurta, waddankuna waxa uu ku dhisan yahay cashuurta ay bixiyaan, dalkeenu maaha waddan la aqoonsan yahay, ma helo lacago badan oo ay helaan wadamada la ictiraafsan yahay, waxa aynu mushuharka ku bixino ee aynu dawladnimada ugu eegnahay ee aynu ku dhisannahay waa cashuurtaas yar, haddana cashuurti dhib ayay leedahay oo dadku way ka cararaan cashuurta mid wax haysta iyo mid aan wax haysan ba. ” “Shaqaalaha wasaaradda maaliyadu waxay ku tababaran yihiin in ay soo dhaweeyaan dadka, markaa waxaanu jecelnahay in ay dadku cashuurtooda goostaan, kala wareejintana ay si rasmi ah u sameeyaan, sababta oo ah gaadhi aan lahayn kala warejin oo qof kale ku qoran yahay, haddii uu dambi galo ama uu qof jiidho waxaa loo qabsanayaa qofkii hore ee ku qornaa, markaa waxaan leeyahay dadku yaanay dhayalsanin arrinkaas,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan. Agaasimaha waaxda cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxmed Axmed (Cawad) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay cashuur bixinta gaadiidka oo sannadkan dabayaaqadiisa ay ku jiraan shuruudo cusub oo dheeraad ah, kuwaasi oo ay la kulmi doonaan dadku, waxaanu yidhi “Waxaan la socodsiinayaa gaadiidlaydda in ay u soo diyaar garoobaan si ay u qaataan cashuurta waddooyinka, laakiin shardiga ku xidhani waxa weeye in uu gaadhigu kala wareejisnaado iyo liisan sax ah oo cashuurtii wata, labadaa shardi iyaga oo fuliyay ha soo doontaan cashuurta waddo marista, dhamaan xafiisyadayada Hargeysa iyo kuwa goboladaba waa laga heli doonaan laga bilaabo maanta.” Gabagabadii shirkaasi ayaa Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay qalab casri ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah ay ku wareejisay ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland, qalabkaasi oo lagula tacaali doono gaadiidka khilaafa sharuucda waddo marista Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|