Warbixin:-Magaalooyinka Burco,Berbera,Borama,Ceerigaabo Iyo Laascaanood Oo Si Wayn Looga Ciiday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin:-Magaalooyinka Burco,Berbera,Borama,Ceerigaabo Iyo Laascaanood Oo Si Wayn Looga Ciiday
July 6, 2016 - Written by Wariye:

ciida fiHargeysa(WJN):-Saaka mar ay shabakada ee wajaalenews.net khadka telefoonka kula xidhiidhay saxafiyiinta magaalooyinka Burco,berbera,borama,laascaanood iyo ceerigaabo ayaa waxay noo sheegeen in si wayn looga tukaday salaada ciidal fidriga isla markaana si meeqaabkeedu sareeyo looga ciiday dhamaan magaalooyinkaas.
Sido kalena waxay saxafiyiintani noo shegeen in masuuliyin xukumadda ka tirsan shacabkooda la tukadeen,ayaga oo sidoo kalena noo sheegay in hada ay kasoo dareereen tukashada salaada ciidal fidriga.
Waxaana jawiga saaka uu yahay mid aad u dagan isla markaan wajiyada dadka laga wada dheehnayo farxad iyo rayn rayn,waxaana dhamaan goboladaas ay tukashada salaadu kusoo dhamaatay si nabad galyo ah.
Dhanka kalena ciidamada booliska somaliland ayaa iyagu aad u adkeeyey amaanka goobaha lagu tukanayo.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS