Todobo Ruux Oo Somali Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Dalka South Afrika Maalmahii Ugu Danbeeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Todobo Ruux Oo Somali Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Dalka South Afrika Maalmahii Ugu Danbeeyay.
July 9, 2016 - Written by Wariye:

Koonfur Afrika(WJN):-Burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa todobo ruux oo Somali ah waxa ay siyaabo kala duwan ugu dileen magaalooyin ku yaalo dalka Koonfur Afrika.

Dadkaan la dilay ayaa maalmihii ciida siyaabooyin kala duwan loo dilay, xilli ay ku guda jireen Damaashaadka Farxada Ciidul Fidriga.

Dhamaan dadka la dilay waxa ay ahaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo gobo ganacsi ku lahaa Magaalooyin hoostagga Gobolada Eastern Cape iyo Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Ganacsatada Somalida ah ee la dilay ayaa lagu agdilay goobtiisa ganacsiga, xilli uu ka soo baxay shaqadiisa, sida uu xaqiijiyay Muxudiin Jakuula oo ka mid ah Ganacsatada Somalida.

“Alle ha u naxariiisto

walaalkeey Xalay ayaa la dilay kooxda dishay ee burcadda ahna waxaa ay ku sugayeen banaanka kore ee goobtiiisa ganacsiga marka uu soo baxay oo uu doonayay in uu xaafadiiisa aado ayaa ay xabadda ku dhufteen dhaawac ahaan ayaa loo qaaday laakiin nasiib daro isbitaalka uu ku geeriyooday.” ayuu yiri Muxdiiin Jakuula.

Sidoo kale Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dishay Wiil kale oo Somali ah, kaasi oo isagana ka mid ahaa ganacsatada.

“Cabdilaahi Farxad ciida magaalada ayuu kula qaatay ehelkiisa galabtii casarkii ayuu ka tagay waxaa uu ku dhahay dukaanka ayaan aadaya si dhalinyarada shaqeyneysa aan usoo caawiyo ilaa xalay saddaxdii ayuu la joogay xaaskiisa ayaa wacday waxaa uu ku dhahay hadaan soo baxayaa oo dukaanka la xerayaa   daqiiqo kadibna amarka ayaaba ku dhacay” Sidaa waxaa yiri Muxdiiin Jaguula.

Tirada dadka la dilay oo todobo ruux gaareysa, ayaa labo ka mid ah waxaa la sheegay in meydkooda uu yaalo Isbitaalka, waxaana loo raadinayaa sharci lagu aaso, maadaama aysan laheyn sharci dalkaasi ay ku joogeen.

Dilalka loo geystay dadka Somalida ah ee ku nool dalka South Afrika ayaa noqotay maalmihii ciida kuwa badan, mana jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi.

Source:Universal Somalitv.
Hargeisa Offic
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS