|
|||||
WAJAALE NEWS
Tirada Dadkii ku Waxyeeloobay Inqilaabkii fashilmay Ee Dalka Turkiga Oo marayasa 200 Dhimasho ah Iyo Dhaawac 1000.
July 16, 2016 - Written by Editor:Ugu yaraan 200 qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 1000 kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo qalalaasaha ka dhashay Afganbigii fashilmay ee ay xalay isku dayeen qaar ka tirsan ciidamada Milateriga waddanka Turkigu. Ilaa 2000 oo isugu jira saraakiil iyo askar caadiya ayaa loo xidhay iskudayga Inqilaabka fashilmay ee lagu doonayay in awoodda lagaga tuuro madaxweyne Erdogn. Diyaarad Helicopter ah oo ay wateen saraakiil ka tirsan Milateriga Turkiga ayaa ka degtay garoon ku yaalla Waddanka Greega, waxana Xukuumadda Greek-gu sheegtay in ay xidheen ragii watay diyaaradaasi oo magangalyo ka dalbaday dalkooda.
Madaxweyne Erdogan oo goorsii horaysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciqaab adag la marin doono kuwa ka danbeeyay Inqilaabka. Shacabka Turkiga ayaa ka horyimi inqilaabkaasi iyagoo Adeecay baaqii madaxweynahooda ee ahaa in ay ka horyimaadaan kuwa inqilaabka wada oo ay badbaadiyaan dalkooda.
muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaya dadka shacabka ah oo isu dhigaya Taangiyada dagaalka islmarkaana Askarta kala soo dagaya Dabaabadaha guud kooda.
Waddamada Maraykanka, Ruushka, Germalka, Qata, Sucuudiga, Soomaaliya, Somaliland iyo waddamo kale ayaa canbaareeyay iskudayga inqilaabka fashilmay.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|