Talaabooyinka keli Talisnimada ah Ee Gudoomiyaha Xisbigu ku kaco Waxanu u Aragnaa Waxba kama jiraan Cid ka Aqbalaysa Xil ka Qaadista Aan Sharciga Ahayn Ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Ma Jirto.MUJ CALI GURAY, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talaabooyinka keli Talisnimada ah Ee Gudoomiyaha Xisbigu ku kaco Waxanu u Aragnaa Waxba kama jiraan Cid ka Aqbalaysa Xil ka Qaadista Aan Sharciga Ahayn Ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Ma Jirto.MUJ CALI GURAY,
July 4, 2016 - Written by Editor:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

UCID

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

Justice and Welfare Party

4/07 2016

Uj: Xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Saaxil

Waxan halkan ku cadaynayaa in warqadda xil ka qaadista Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee lagu baahiyay warbaahinta qaarkeed aanay waafaqsanayn Xeerka xisbiga isla markaana ay xadgud ku tahay Go’aankii Guddida Diiwaangelinta oo Gudoomiyuhu si joogto u caadaystay inu ku xadgudbo,

Gobolka Saaxil wuxu ahaa gobolkii uu Xisbigu ugu sareeyay ee kaalinta 2aad uu ka galay tartankii xisbiyada iyo ururada ee Doorashadii Golayaasha Degaanka taas oo uga marag kacaysa taageerada mugga leh ey la garab taagan yihiin Xisbiga UCID.

Sidaa daraadeed talaabo aan haba yaraato eh lagala tashan isla markaana aan xisbigu wax talo ah ku lahayn oo lagu wiiqayo midnimad iyo wadajirka xisbiga UCID laguna burburinayo dhismaha xisbiga ee Gobolka Saaxil wax laga ogolaanayo maaha Gudoomiyaha. Inta dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyuhu ay dhan u dhacayso ee go’aanka Gudidu soo baxayo dhamaan talaabooyinka keli talisnimada ah ee Gudoomiyaha xisbigu ku kaco waxanu u aragnaa waxba kama jiraan cid ka aqbalaysa xil ka qaadista aan sharciga ahayn ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ma jirto.

Dhamaan xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga ee Gobolka Saaxil  iyo guud ahaan bahwaynta UCID ee arkaya talaabooyinka waalida cas ah ee Gudoomiyuhu way ka soo horjeedaan burburinta xisbigooda heeganna waxay u yihiin talaabo kasta oy ku bedbaadinayaan xisbigooda xaqna way u leeyihiin

Sidaa daraadeed Gudoomiye Rooda sideedii ay u wadan kartaa hawlaheedii dhamaan degmooyinka gobolkuna sidaa ha ula socdaan hana kula shaqeeyaan

 

Wa bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiye xigeenka 3aad

COMMENTS
LINKS