|
|||||
WAJAALE NEWS
Taageerayaal ka Tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Faliyo in ay ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Hogaanka kulmiye Oo ku Hawlan Sidii ay u Joojin Lahaayeen.Xafladan
July 17, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Siyaasiyiin, Waxgarad Iyo Taageerayaal ka Tirsanaa xisbi xaakimka kulmiye ayaa lafilayaa in ay maalmaha soo socda u diga rogtaan xisbiga mucaaridk ah ee wadani. Waxaa maalmihii ugu danbaysay iyo habeenka caawa aad looga dareemayaa xaafado kamida magalada Hargaysa gaar ahaan xaafadaha XERO AWR, XAWAADLE, CABAAYE iyo qaybo badan oo kamida caasimada dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed kuwaasi oo sida wararka aanu helaynaa Tibaaxeen ay ujeedadiisu tahay sidii taageerayaal kamida xisbi xaakimka kulmiye ay ugu biiri lahaayeen xisbiga mucaaridka ah ee wadani sidoo kale wararka aanu ka helayno dhaqdhaqaqyada ayaa tibaaxay in hormuud ka yihiin siyaasiyiin iyo odayaal miisaan culus ku leh deeganada ay kasoo jeedan. Gaar ahaan beelaha waqooyiga hargaysa galbeedka gobolka saxil. dhanka kale ilo u dhow dhow hagaanka xisbi xaakimka kulmiye ayaa tibaaxay in ay ku hawlan yihiin sidii ay xafladaa u baajin lahaayeen taagero yaasha ka baxaya xisbigooda sidoo kale ay u carqaladay lahaayeen xaflada loo qabayo iyadoo sida la sheegay ay u adeegsanayaa amar raad gadasho oo ay ka dalbanayaan laamaha Abniga iyo Masuuliyiinta Wasaarada arimaha gudaha iyagoo dhanka kale wararka aanu ka helayno ayaa sheegaya in burburinta iyo joojin xafladan ku hawlan yihiin masuuliyin sare sare oo kamida xisbiga kulmiye kuna waajahaya olole shaadh qabiil ah . Arimahan ka digo rogashada ee xilgan xisbiga kulmiye ayaa la sheegay in salka ku hayso kala fogaansho siyaasadeed oo hadheeyay qaarkamida beelaha sacad muuse iyo murashaxa xisbiga kumiye iyo sidoo kale la sheegay in uu saamayn ku leeyahay muranka lixda goobood ee waqoyiga gobolka maroodi jeex taasi oo xiligan soo cusboonaatay murankii ka taagnaa xaflada ku biirista ee taageerayaasha ayaa lafilayaa in dhacdo maalinta bariya. wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|