SOMCABLE:SHIRKADDII FURITAANKEEDA UU DALABKEEDU KA DHEEREEYEY!. Qallinka:C/naasir Guray Meecaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMCABLE:SHIRKADDII FURITAANKEEDA UU DALABKEEDU KA DHEEREEYEY!. Qallinka:C/naasir Guray Meecaad.
July 14, 2016 - Written by Editor:

Run ahaantii waa Arrin Aad u fiican marka Ganacsi la Aas aaso oo isagoon furitaan loo samaynin uu dalabkiisu bato,waxaanay tani muujinaysaa in Adeeegaa shirkaddu iibinayso uu ahaa mid loo baahnaa,taasina ay tahay mid mudan in loogu mahadnaqo shirkaddii adeegyadan loo Riyaaqay soo kordhisay waa Somcable. Maxay tahay shirkadda Somcable?. Waa shirkad nooceedu uu dalka ku cusub yahay,waxaana Aaasaasay Ganacsadaha weyn ee Maxamed Aw Siciid Geedi.oo si hagar la,aana ugu hiiliyay dadkiisa kana haqabtiray adeegyo loo baahnaa. Hadaba si aan in intaas ka badan uga ogaano,aynu soo qaadano carwo ganacsiyeedyadii ugu danbeeyay ee dalka laga qabtay waxyaabahay ayku soo bandhigeen iyo sida shaqaalaheeda kala duwan ay uga warbixiyeen. Carwadii lixaad ee Guuleed hotel Somcable waxay ahayd shirkadda kaliya ee bixinaysay internet Xawaarihiisu sareeyo,”waxaanu dhisnay Ganacsi ay ahayd inay Dawladu dhisto,waxaana Arrintan aan samaynay nalagu siiyay Abaal marin Caalamiya oo ka dhacday London dalka ingiriiska waxaanan is dhinac fadhinay shirkadda isgaadhsiinta ee Boqortooyada ingiriiska”Sidaa waxaa carwadii lixaad ee shirkadaha somalilandka yidhi mid ka mida shaqaalaha Somcable. Sidaas oo kale ayay carwadii 7aad ee carwo gnacsiyeedkii Somaliland ugu soo bandhigeen adeegyo internet xawaarihiisu sareeyo,Axmed Cismaan Taani oo masuuliyiinta sare ee shirkadda Somcable oo u waramayey saxaafada noocyadeeda kala duwan ayaa wuxuu sheegay”waxaad ogtihiin in Somcable ay tahay shirkaddii ugu horaysay ee dalka keentay Fibre optic(internet xawaarihiisu sareeyo).Waxaanu ka hadlay cida lahayd fikrada iyo hamiga in shirkaddan la aasaasosi dadka Reer Somaliland u helaan internet xawaarihiisu sareeyo,waxaanu yidhi”waxaana lahaa hamiga iyo dream_ka halyaygeena Maxamed Aw siciid Geedi oo maanta ku guulaystay inuu waddanka keeno internet uu xawaarihiisu sareeyo”.waxaanu intaas ku sii daray sharaxaad qaybaha shirkaddu ka kooban tahay”waxaa shirkadda loo soo gaabsadaa MSG,Maxamed Aw siciid Geedi Group,waxaana ka mida Somcable-So Independent tobbocoi iyo bussnessyo kale. Waxaanu Axmed C.Taani oo masuuliyiinta sare ee Somcable sheegay inay cid kasta oo Somaliland ah ay u hayaan adeegyada ay ka midka yihiin 4G Generation,uuna yahay mid toos ugu xidhan Vibre OPtica iyo adeega C-Band Services oo ah adeeg wireless ah oo meeshaad doonto aad u qaadan karto. Mudooyinkan danbe waxaad shirkaddaha,xafiisyada,ganacsiyada,guryaha iyo meelaha lagu qayilo ee majlisyada loo yaqaano, aad ku arkayso iyadoo adeega C-band services laga isticmaalayo markaas ayaad is waydiinaysaa maxay ku dhcaday tani?waxaanad isla markiiba ogaanaysaa in shirkadani ay keentay adeegyo loo baahnaa. Haddaba hadaan u soo noqdo dulucda Maqaalkaygan,anigoo ka mida dadka wax qor qora ayaa waxay tahay markaan arkay horumarka balaadhan ee ay shirkaddu samaysay dhinaca internetka noocyadiisa kala duwan iyo sida ay dadweynuhu ugu diirsadeen ugana mabsuudeen ayaan gartay iyadoon cid igu qasabtay aanay jirin inaan qallinkayga ugu mahadnaqo unna qoro maqaalku haboon oo aanan wax aduun ah aanan kaga rabin. Dhammaantiina waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ogaataan adeegyada hufan ee Somcable.

 

Waa Qalinkii:—–C/naasir Guray Meecaad.

Suxufi Madaxbanaan.

COMMENTS
LINKS