Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Markii u horaysay ka hadlay Ujeedada Shir Duceed Hargeysa Ku Dhex Maray Beelaha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta Hargeysa Kana Jawaabay Eedaymo Loo Jeediyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Markii u horaysay ka hadlay Ujeedada Shir Duceed Hargeysa Ku Dhex Maray Beelaha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta Hargeysa Kana Jawaabay Eedaymo Loo Jeediyey
July 12, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N):-Siyaasiga Caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa faah faahin ka bixiyey shir xaafadda Masalaha ee Hargeysa ku dhex maray beelaha Galbeed Burco iyo Koonfurta Hargeysa, kaas oo dhowaan shir duceed lagu xidhiidhiyey in uu isagu abaabulayo  oo colaad lagaga abuurayo killilka shanaad ku iskugu yimid.

Ismaaciil Buubaa oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu iska fogeeyey in uu shirkaasi isagu abaabulayey oo uu colaad ku hurinayey, waxaanuu sheegay in uu shirkaasi jiro, balse aanu ahayn shir colaad lagu abuurayey oo uu ahaa shir ay labada beelood arrimohooda kaga tashanayeen isaguna aanu wadani.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Wax aliyaala wax Sal iyo Raad ah oo ka jira arintaasi la sheegay ma jirto aniguna waxaan ahay nin weyn oo reer Somaliland dhami wada taqaano halgankii ka soo qaybqaatay dib u xoreynta Somaliland oo ururkii Halganka SNM-na ka soo tirsanaa, Somaliland iyo Itoobiyana waa dalal deris ah oo aan filaayo inay Is Ixtiraamaan, aniguna waan soo dhaweynayaa wax kasta oo nabad gelyada iyo amniga labada dal ay ku jirto iyo in laga wada shaqeeyo hadba wixii soo kordha xalintooda”

Ismaaciil Buubaa  oo la waydiiyey waxa uu shirkaasi ku saabsanaa waxa uu kaga jawaabay “Shirka la sheegaayo ee Masalaha Hargeysa ka dhacay waa jiray, balse wax shuqul ah oo Colaad ama in cid lagu xumeeyo ma aheyn ama Siyaasad kale , kali ah wuxu ahaa mid Labadda Beelood (Beelaha Ciiddagale iyo Habaryoonis) ee Walaalaha ahi ay danahooda kaga wada tashanayaan, maadama oo ay dad wada dhashay yihiin, garan maayo meel waxa warbaahinta ka baxay laga keenay (Eedeynta Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir) iyo wax looga jeedo toona”

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka jawaabayey in uu taabacsan yahay xisbiga waddani, waxa uu kaga jawaabay “Anigu Axsaabta Saddexda Xisbi ee Somaliland midna kama tirsani oo waan ka fiirsanayaa wali hadii ay noqoto cida aan ku biiri lahaa suurogal midkood oo ilaa hada ma jiro Xisbi Siyaasaddeed oo aan ku biiray iyo mid aan ka tirsanahay toona, balse anigu waxaan ahay shaqsiyan Siyaasiyin qof Bulshadda Somaliland la yaqaano meelna ka ma soo galo mawduuca warbaahinta aan ka maqlaayey ee raga qaar ka hadlayeen” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Source:Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS
LINKS