|
|||||
WAJAALE NEWS
SHEEKO XIISO LEH; WALAAL AWOWGAA DAYAXA MUU TAGEY?
July 1, 2016 - Written by Editor:Inta badan somalidu waa dad faan jecel ama taariikh ku dhaqanta oo waxa lagu odhanayaa ninkaa hebel awowgii baa talin jiray, waa run oo horta ninka awowgii talin jiray haduu aabihii ka faaiidaystay isna wuu talin hadii kale se waxaa dhacaysa walaal awoowgaa dayaxa muu tagey? Waa niman dhalinyaro ah oo aad u saaxiib ah waxa ay isugu yimaadaan meel maqaaxi ah oo lagu sheekaysto halkaasi ayaa nin waliba waxa uu hayo iyo waxii warjira lagu kala qaataa maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekadani ka dhacday goobtii:- B-waxba ma ogidin aduunkana lama socotaan ee aniga i dhageysta? T-ma adigaanu ku dhagaysanaa anaga oo ah dadkii la dhagaysan jiray ee dadkana wax u sheegi jiray? B- Haa anigaa kuu sheegaya maanta oo waxwalba waan kaaga wanagsanahay? T-walaaloow awowgaaba awowgay ayuu geela u raaci jiray oo xoolahayaga miyiga ayuu nooga shaqayn jiray, ee miskiin baad tahee iska fadhiiso oo dadka la qabso. B-Walaal anigu awoowga mabaan maqal ee muxuu ahaan jiray? T-Intuu kor u dhawaaqay buu yidhi Waar bal aduunyadan eega waxa lagu jiraa wakhtigii nabigu (C,S) sheegay waa shiidii !!!!? B-Waxbaan ku waydiiyee iiga jawaab maxaad la qaylisay? T-walaaloow xaafadan aynu joogno ma taqaanaa qofka loogu magac daray? B- waan gartay oo xaajigu ma awoowgaa buu ahaa, walaal aynu hagaag u wada hadalee taariikhdiisa bal iiga sheekee. T-wuxuu yidhi afarta oday ee magaalada isagaa u magac waynaa u hanti badnaa oo wuxuu ahaa nin horumar gaadhay aduunyadana meel aanu cagta soo dhigin ma jirto,ku darsoo arin aanu isagu goynina lama goyn jirin. B-Walaal awoowgaa dayaxa muu tagey?!!!!! T- isagoo xanaaqsan maxaad uga jeedaa awoowgaa dayaxa muu tagey? B-Walaal ha igu xanaaqine waxa aan maqlay dawladaha horumaray ayaa dayaxa tagi jiray…. kkkkkkkkkk
QALINKII MAHOMED ABDI JAAMAC COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|