SHEEKO XIISO LEH; WAA QOLADII WAAH WAAHDA !! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHEEKO XIISO LEH; WAA QOLADII WAAH WAAHDA !!
July 22, 2016 - Written by Editor:

Sideetamaadkii ayuu yimi dalka asxaabtiisii iyo ehelkiisiiba aad ayaa loo soo dhaweeyay waxa uu ahaa nin dedaalay oo aad u shaqaysta markaa dalka wuxuu la yimid lacag wanaagsan, baryahaa sideetamaadkii dadku waxa ay aad u xiisayn jireen fanka oo mood ahaa ama wakhtigaa ugu wanaagsanaa, ninkanina fanka markiisa horeba wuu jeclaa waxaana u dheer boholyow intii uu ka maqnaa dalka ah, waxa uu dalbaday in fanaan iyo nikii u tumayey ama labadii nin ee u tumayey loo dalbo oo ay qaylaad qaaci loogu tumo, waa loo yeedhay laakiin waxa la socday ilaa 5qof oo kale sideed ayey ku yimaadeen jaadkoodii iyo qadadii iyo waxwalba waa loo diyaariyey wakhtigaa waxa lagu qayili jiray guryaha xaafad kasta waxa ooli jirey ilaa 10macawsood oo loogu talo galay raga qaylaya macawsihii ayaa la siiyey waala fadhiistay waala qayilay waala tumey oo la heesay, kamanka cidii taqaanaa way taqaanaaye saacadiba saacada ay ka dambayso ayey gacanta garacaysaa sii macaanaysaa,jiibta iyo luuqdana la isla helaa habeenkaa la mirqaan si wanaagsan oo mabsuud ahna lagu kala tag maalin labaadii ayaa hadana loo baahday fanaaniintii waa loo yeedhay had iyo jeer dadka fanka dad baa iska jecel oo iyaguna aan ka hadhin oo meelwalba u raaca maalintii hore 8 ayey ahaayeen sadexdii uu dalbaday iyo shan la socday maalintii labaadna laba kale ayaa kusoo biiray oo 10 buu casuumay,waxba yaanan hadalka idinku daaline maalintii sadexaad ayuu hadana u baahday waa loo yeedhay waaba 12 qof lacagtii uu ninkaa odayga ahi ku talo galay ilaa 10cisho in kabanka loo tumo ayey ahayd waxa ay ku dhamaatay 3cisho,

WAAH WAAH

Ninkii wuxuu yidhi maalin sadexaadkii iyada oo sidaa loo fadhiyo waaryaadhaheen horta labadan tumaya iyo ninkan heesaya maahee waa maxay dadkan kale ee la socda ee aanan dalban labadii cisho ee horena waan xishoodaye, la ismaba dhibine waxa la yidhi xaji waa qoladii WAAH WAAHDA..oo maxay ahayeen waa qoladan marka heesta la tumayo waah waah axyaa qaraam iyo weedhaha noocaas ah tidhaahdaa…kkkkk intuu qoslay ayuu ku yidhi nimanyahoow qolyahaa waahwaahda yaanaan sanadka dambe isugu iman halkan…dhamaad.

 

QALINKII MAXAMED CABDI JAAMAC

COMMENTS
LINKS