|
|||||
WAJAALE NEWS
“Samadana kamay Iman Waxaa Rag Isa Siiyeene Saamigeygii Ayaa Laga Tabcaday Sarahan Dhaadheer” W/Q. Cali Cismaan Xaraaro
July 1, 2016 - Written by Editor:Is bar bar dhiga busaaradii iyo xayraankii Madaxda xisbul xaakimka Kulmiye ee Todoba sano ka hor iyo ereyada faanka Badan ee maanta kasoo yeedhaya, Hadaan ka bilaabo, Xayraankii Axmed Siilaanyo wixii qaylo ka Dhacaysey waynu wada Ogeyn markii uu Odhan jirey xaaskiisa Ayaa shaqo ay ka heshey hay’ada (Unesco)loo diidey xataa. Wuxuu gaadhey In lala dagaalamo Dawladii m/weyne Dahir Reyaale isagoo Ku eedeeyey iney shaqada u diideen Taasina waxba kama jiraan ayey Noqotey waxase la galay xayraankii Iyo busaaradii markaa odeyga haysey, Waxa kaloo jirtey gaadhi Looga Soo direy Debeda inuu Cali Warancade ka iibiyey busaared awgeed Maantana inta ka Muuqata oo keliya haynta dhaqaale Moqolaal milyan oo doolar way ka badan Tahay.dhanka Muuse Biixi aynu eegno,Waxa jirtey Cawil Cali Ducaale oo xiligaa Ahaa Wasiirkii maaliyada ee dawladii M/Reyaale inuu (3)kun oo doolar Laaluush u siiyey isagoo Kaga iibsedey Muuse Biixi kelmed uu war Baahinta ka yidhi kelmedaas oo ahayd M/weyne la doortey waxa bedeli kara M/weyne sidiisa loo doortey halkaana Waxa laga qaadan karaa busaarada iyo Xayraanka hayey mujaahidka weliba Arintaasi waxay dhalisey Shaki iyo buuq ka dhex dhashay Isaga iyo saaxiibadii xisbiga KulmiyeMaanta inta Shacabka hadaynu dhaafno (7)fooq ayuu Dhamays tirey mujaahid Muuse Biixi. W/Q. Cali Cismaan Xaraaro Hargeysa, Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|