SAAMI QAYBSI AMA SHIRQOOL Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SAAMI QAYBSI AMA SHIRQOOL Muj Cali Guray
July 1, 2016 - Written by Editor:

Arinta saami qaybsiga kuraasida Wakiilada waxa laga yaabaa in uu noqon karo shirqool la doonayo in qiil looga dhigto muddo kordhin kale ee doorashooyinka mudaysan bisha March 2017 ama in la kala qaado oo mid ahaan dib loo riixo in kasta oo inta shirqoolkan wadataa laga yaabo inay ku kala duwan yihiin ta dib loo riixayo oo qaar ay leeyihiin ta Wakiilada dib ha loo riixo kuwo kalena ay wadaan in ta Madaxtooyada dib loo riixo.

Runtii maan fahmin danta ugu jirta labada xisbi mucaarid inay arin aanay go’aankiisa waxba ku yeelan doonin lagu soo geliyo wada tashi si eeda beri ka maalin cidii lahayd ee sidii ay ku talo gashay xaalku noqday ay ku raad gataaan oo loo dhigo arin ku yimi talo loo wada dhan yahay oo xisbiyada mucaaridka ahina ay qayb ka ahaayeen kuna yimi wada tashi loo wada dhan yahay.

Bal gartay WADDANI oo Gudoomiaha xisbigoodu yahay Gudoomiya Wakiiladana xildhibaanada sheegta mucaaridka oo aanay waxba ku kala duwanayn ku muxaafidka sheegtana ay inta ugu badani xisbigooda yihiine, ee UCID oo tiisiiba ka wada tashan kari waayay wax aragti ah oo dhinaca saami qaybsiga ka leeyihiin aanay jirin lagana yaabo in aanay isku taloba ka ahayn waxa ugu jira inay wada tashi muhmal ah qayb ka noqdaan hadii aan Gudoomyaha UCID keligii heshiis kula jirin Kulmiye oo aan la isticmaalayn. Waayo dee inta aanu cid kale la tashan wuxu ku hogaamin lahaa xisbigiisa talo xisbi oo la isla qaatay. Markaa anigu diyaar uma ihi in wax aanan waxba kala socon shanta is kala galo eedana wax ku yeesho. Hadiise wax wanaagsan oo la isla ogol yahay oo dalka iyo dadka dan u ahi ka soo baxo waan ku qasbanahay in aan ogolaado guul aanan anigu shakhsi ahaan waxba ku lahayn intii ka qaybgashayna waan ku hambalyayn.

Dhinaca kale saami qaybsigii hore marka daaqadda laga tuuro ka keliya ee kale wuxu niqonayaa natiijada diiwaangelinta iyo gobol walba tiradiisa xaqa u leh inay codeeyaan. Taa lafteeda ayaan filayaa in aan la isla ogolaan karin. Markaa bal aan sugno saami qaybsiga cadaaladda ah ee ka soo baxa wada tashiga loo dhan yahay ee la sheegayo

cali guray

COMMENTS
LINKS