Qaayaha Afka iyo Abuurta Aadamuhu La Gaar Yahay W/Q Siciid Maxamuud Gahayr . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaayaha Afka iyo Abuurta Aadamuhu La Gaar Yahay W/Q Siciid Maxamuud Gahayr .
July 25, 2016 - Written by Wariye:

Bani-aadanku waxa uu leeyahay astaamo uu kaga geddisan yahay nooleyaasha kale ee ifka ugu uuman. Kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin saddexdani:

1.Qaabka ay u samaysan yihiin afarta addin
Saamiga adduunka waxa biyo ah 71%, halka berriguna ka yahay 29%. Sidaas awgeed nooleyaasha biyaha ku abuuran ayaa ka badan kuwa berriga. Aadamuhu waxa uu ka mid yahay nooleyaal berriga ku nool oo la isku yidhaahdo Afar-addinley “Tetrapoda”. Waxa ka mid ah xoolaha, ugaadha, gammaanka, dugaagga IWM oo
afarta addinba ku socda. Shimbiruhu waa afar-addinley laakiin laba waa ay ku duulaan, labana waa ay ku socdaan.

Afarta addin ee dadku waa gacmaha iyo lugaha. Laba waa ay ku socdaan, labana kor baa ay u hayaan. Labada gacmood ee dadku waxa ay u laabmaan xagga hore, halka addinnada hore ee xayawaanku ay xagga dambe uga laabmaan. Labada gacmood oo kaashanaya maskaxda fekertaa waa kuwa sameeyay dhammaan xaddaaradaha dunida ka jira sida waddooyinka, dhismeyaasha, buundooyinka, agabka, wershadaha IWM. Waa kuwa wax lagu qoro. Dameerku miyaa uu kombuyuutar garaaci karayaa?

Qaab-dhismeedka aadamuhu waa nimco Eebbe innagu galladay sidii ay aayadda quraanka ahiba u sheegtay, Allena ku yidhi “ Xaqiiqo’e waxa aanu dadka u abuurnay qaabkii ugu wanaagsanaa”. Bani-aadanku waa noolaha keliya ee dhabarka u seexan kara, taasna waxa sahlaya qaab-dhismeedka uu u abuuran yahay.

2.Maskaxda Fekerta
Nooleyaasha kale waa ay leeyihiin maskax, laakiin ma fekerto. Aadamuhu waxa uu leeyahay maskax fekerta. Waa ta aynu adduunka xilkiisa ku qaadnay. Eebbena waxa uu yidhi “Waanu sharafnay Ilma Aadan. Carruurtoodana waaxa aanu ku qaadnay berriga iyo baddaba ”. Maskaxdu waa ta keenaysa in Eebbe ina xisaabiyo qiyaamaha, oo janno iyo cadaab mid la mutaysto. Marka la yidhaahdo dareen gaar ah, nooleyaasha kale waa ay inagaga fiicnaan karaan. Tusaale ahaan:

• Eygu waxa uu awood u leeyahay in uu uriyo shayga dhulka ka hooseeya soddon mitir, waa sababta ay qolada miino-baadhistu u adeegsato.
• Fiidmeerta iyo nibiriga dhallaanka ahi indho malaha. Waxa ay ku socdaan kuna ugaadhsadaan fallaadho aan dhegta aadamuhu maqal oo “ultrasound” la yidhaahdo. Dhegteennu waxa ay maqashaa hirar jabaqeed oo cabbir gaar ah u dhexeeya. Codad aynaan maqli karin baa jira.
• Shinnidu waxa ay awood u leedahay in ay aragto fallaadho cadceeddu soo deyso oo Ultraviolet la yidhaahdo. Waa kuwo sababa kansarka maqaarka, dhibaatana u geysta dalagga beeraha. Fallaadhahan waxa inaga gaashaama lakab hawada ku yaalla oo “Ozone” lagu magacaabo. Dadku waxa ay arki karaan xaddi kooban oo ilayska cadceedda ka mid ah.

• Maska Kubruhu waxa uu arkaa fallaadho ay soo daayaan nooleyaasha uu heerkulkoodu gaadho 20 degree Celcius oo “infra-red” la yidhaahdo. Waa kuwa ay la shaqeeyaan kamaradaha ilaalada ee lagu xidho suuqyada, xafiisyada, guryaha IWM. Inagu ma arki karno. Haddii aad habeen soo gasho qol madaw oo maska Kubruhu ku jiro, waa uu ku arkayaa, adiguna arki maysid. Maxaa sababay? Waxa uu arkayaa fallaadhaha kulka ee jidhkaaga ka soo baxaya!

Laakiin dareen kasta oo la inagaga fiican yahay, waxa isku fuuqsada maskaxda fekerta ee aadamaha.

3.Doobta codka sifeysa
Dadku waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo ku dhawaaqda shaqallo iyo shibbaneyaal badan. Afaf badan oo midiba xarafyadiisa leeyahay ayaa uu aadamuhu ku hadlaa. Dhawaaqa bani-aadamkana waxa ka dhasha Afka. Nooleyaasha kale kuma dhawaaqaan wax ka badan dhawr xaraf sida dameerka “i aa i aa”, bisadda “miyaw”, riyaha “maa”. Haddii uu geelu reemayo/ololayo/dunuunucayo, haddii ay lo’du dinnaahido, haddii ay dacawadu wishiirrido, haddii uu libaaxu gurxamo/qawdhamo, haddii uu dameerku dannaagayo IWM kuma dhawaaqaan wax ka badan dhawr xaraf.

Afka waxa lagu qeexaa in uu yahay mid ka kooban ereyo la isku afgarto, la isku fahmo, xidhiidhna lagu wada sameeyo. Afka waxa isku fahma bulshada meel ku wada nool.
Afku waa qalabka lagu fekero. Qof kastaaba waxa uu ku fekeraa inta uu ereyo yaqaanno. Carruurta yaryari ma fekeraan, waayo ma yaqaannaan afka.

Hadal = Feker
Hadalku waa marka fekerka kor loo qaado. Qofku wixii maskaxdiisa ka dhex guuxaya ayaa uu dadka maqashiiyaa, markaas ayaa lala wadaagaa. Fekerkuna waa marka hadalka hoos loo dhigo, ee uu qofku naftiisa oo keli ah uu la hadlo. Inta aanu qofku hadlaynnin, waa uu fekerayaa, maskaxduna waa ay shaqaynaysaa. Xilliyada keliya ee habdhiska dareen-wadku nastaa waa marka la hurdo, weliba xilliyadaasna waxa dhacda in la qarwo/riyoodo oo ay dhambaallo dareen maskaxda u gudbaan.

Afku waa baadisooc, oo waa ka ay ummadi isku garato. Haddii aad qof Soomaali ah ”waaryaa” ku tidhaahdo waa uu ku fahmayaa. Soomaalida, Canfarta iyo Oromadu waxa ay luqadda u bixiyeen ”af” sida Af Soomaali, Afaan Oromo, Afaan Canfari oo halkii uu hadalku ka soo baxayay ayaa ay ugu magac-dareen. Ingiriiskuna waxa uu yidhaahdaa ”language” oo waxa ay ugu maagac-dareen carrabka oo halkii dhawaaqa samaysaynay. Ereyga ”lang” waa carrabka.

Afku waa qalabka lagu keydiyo dhaqanka ay ummadi leedahay. Markaa aad af kale baranayso waxa aad baranaysaa dhaqankii ay ummaddaasi lahayd sida guurkooda, nolol-maalmeedkooda, hab-dhaqankooda IWM.

Dadka meel ku wada nooli waxa ay leeyihiin kasmo wadareed iyo weedho gaar ah oo ay isla fahmaan, Kasmo wadareedka Soomaalida waxa ka mid ah ”Caleentiisii ayaa caddaatay”. Weedhan waxa kasaya markaba Soomaalida, haddii qof aan Soomaali ahayn luqaddiisa loogu turjumo weedhaas, uma dhuuxi karo, umana fahmi karo, sida ay Soomaalidu u dhaadayso.

Carabtuna waxa ay leedahay kasmo-wadareedyo ay ka mid yihiin:

Jasaa’u mismaar: Waa tusaale u taagan abaal-dhaca

Beri waxa jiray boqor Carab ah oo hantiile ahaa, waxa uu doonay in loo dhiso guri aan carrigooda ku oollin oo qurux iyo qaab leh. Boqorkii waxa uu u yeedhay nin dhismaha yaqaanna oo Mismaar la odhan jiray. Kolkii ay wada hadleen ayaa uu u dhisay sar/hoy laga yaabay oo naftu u bogto. Ninkii Carabka ahaa waa uu la dhacay farsamada wax loogu dhisay. Laakiin waxa la hadlay shaydaan oo ku yidhi ”billee ninkani gurigan oo kale dad u dhisaa”. Wixii uu yeeli lahaa ayaa uu ka fekeray kaddib in uu dilo ayaa uu go’aansaday, waanu khaarajiyay. Bal ka warrama ninka abaalkiisu sidaas noqday? Carabta ayaa marka ay abaal-dhac arkaan yidhaahda” Haadaa jasaa’u Mismaar”.

Jaafaalna ma tan ayaa uu baqal u soo fuulay: La-yaabka!.
Sida la weriyay beri ayaa uu nin hoggaamiye ahi naadiyay/shaaciyay in uu gabadhiisa bixinayo, dadkii magaaladana waxa uu ku wargeliyay in ay fagaare soo maraan iyaga oo gaadiidkooda iyo qalabkoodaba wata. Baabuurradu ma jirin amintaas, nin kastaa waxa uu heensaystay faraskiisii: baroor, qaaje, ashkir, ninba nooc baa uu guudka uga baxay. Nin Jaafaal la odhan jiray ayaa fagaarihii baqal u soo fuulay. Ninkii waxa uu arkay kalsoonida uu isku qabo, gabadhiina waxa uu siiyay Jaafaal. Marka la-yaab la arko ayaa ay Carabtu tidhaadaa “Jaafaalna ma tan ayaa uu baqal u soo fuulay”.

Waxyaabaha uu dadku isku af-gartaa waa laba nooc oo kala ah:
1. Xidhiidh ficil ah oo ah dhaqdhaaqa jidhka sida gacmaha, lugaha, indhaha, wejiga, faraha iyo dharka qofka.

2. Xidhiidhka labaad ee la isku afgartaa waa dhawaaqa hadalka, sidii uu Cabdi Cali Weyd-ba heestiisa ugu yidhi:

Xoolahaba summaddaa
Lagu baadi-soocaa
Dadna weedha siman iyo
Sawraca tilmaantaa
Lagu kala sifeeyaa

Afka iyo hadalku waxa ay ka mid yihiin nimcooyinka uu Alle ku galladay dadka. Ilaahay isaga oo ka warramaya nimcooyinka uu dadka siiyay ayaa uu barwaaqooyinka ku daray hadalka uu baray. Alle waxa uu Suuratu Raxmaan aayaddeeda afraad ku yidhi “Waxa uu dadka baray hadalka”.

Xayawaannada kale waxa ay isku afgartaan ci`da, urta iyo kiimikooyin ay sii daayaan sida shinnida oo isku afgarata wax loo yaqaanno “Phermones” oo ah kiimikooyin ay cayayaannada qaar ku wada xidhiidhaan.

Luqadaha adduunka baho ayaa loo qaybiyaa, waxa jira koox la isku yidhaahdo “Indo-Europeans”. Waxa ka mid ah afafka qaaradda Yurub lagaga hadlo sida Ingiriisida, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga IWM oo ay weheliyaan luqadaha lagaga hadlo qaybo ka mid qaaradda Aasiya sida Urduuga, Bashtuuga iyo Faarisiga.

Afka Soomaaligu waxa uu u ka mid yahay luqadaha la isku yidhaahdo Afro-Asians-ka oo ay ku wada jiraan Xawsaha Nayjeeriya, Carabida, Yuhuudda, Oromada, Canfariga, Amxaariga IWM.

Luqadahaas Afro-Asianka waxa loo qaybiyaa laba laamood oo kala ah
1.Hameto iyo 2. Sametic. Qaybta Sametic waxa gala luqadaha ay ka mid yihiin Carabiga, Amxaariga iyo Yuhuudda.

Afka Soomaaliguna waxa uu ka mid noqdaa qaybta Hameto, waxaana kula jira Sawaaxiliga, Canfariga, Oromada iyo qaar kale. Qaybta Hameto waxa ay u sii qaybsantaa Kushitic iyo Bantuu. Markaa Afka Soomaaligu waxa uu galaa qaybta Kushitic-ka loo yaqaanno, waxaana ku weheliya Canfariga, Oromada, Booranta, Saahuuga iyo qaar kale. Bantuu-gana waxa ka mid ah Sawaaxiliga.

Ficillada ay iska shabbahaan luqadaha Soomaaliga iyo Carabigu waxa ka mid ah
Yaqaan yacrifu
Taqaan tacrifu
Aqaan acrifu
Naqaan nacrifu

Yaal yaqiimu
Aal aqiimi
Naal naqiimu
Taal taqiimu

Yahay yakuunu
Ahay akuunu
Tahay takuunu
Nahay nahay

Yimi yaatii
Timi taatii
Nimi naati
Imi aati

Yidhi yaquulu
Tidhi taquulu
Idhi aquulu
Nidhi naquulu

Waa qayb ka mid ah Geeddiga Kowaad ee Diiwaanka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed: Daahfurkii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxa idiin daaddihinaya Arday Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).. Dareen-celintiinnu waa dhankiinna…. Haddii Eebbe idmo in uu sannadkan 2016ka ifka u soo baxo ayaa aynu filaynnaa…

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa

COMMENTS
LINKS