|
|||||
WAJAALE NEWS
Nolosha Adag Ee Geeska Afrika.
July 31, 2016 - Written by Wariye:Somalidu waa xoolo dhaqato,hadba u hayaama halkii baad iyo biyoba leh ,agtoodna waa ka caadi dhibta iyo rafaadku,hadana waa dad qanaaco Nolosha aduunyadu waa mid isaga sameysan dhib oyo rafaad ,tan iyo inta lagu noolyahay waa mar la dheregsanyahay iyo waqti la gaajaysanyahay, akhriste ha layaabin markaad aragtid ciwaanka qormada ee ah nolosha adage e geeska afrika. Waxaynu soo bandhigidoonaa muuqaallo ka turjumaaya nolosha adag ee taala geeska afrika gaar ahaan dhulka somalidu degto. Somalidu waa xoolo dhaqato,hadba u hayaama halkii baad iyo biyoba leh ,agtoodna waa ka caadi dhibta iyo rafaadku,hadana waa dad qanaaco leh oo ku faraxsan xaalka ay kujiraan goorwalba iyo goobkasta oo ay joogaan. Waxay ahayd badhtamihii sanadkii 2014ka,markaas oo aan safar ku tagay degmada faraweyne iyo deeganada hoos yimaada,waa wakhti jiilaala,badanaa Waxaad arkaysaa dhalinyaro geelal hayaaminaaya oo aad yaabtid boodhka iyo diifta saran dushooda iyo jidka dheer ee ay soo mareen,wax yaabaha kale ee layaabka lahaa ee aan ku arkay waxaa ka mid ahaa in dhalinyartaasi ay ahayeen qaar raja qaba,oo ay mar uun filaayaan inay noloshu isbedesho,runtii maa ay rejo dhigin balse yididiilo ayaa ay qabeen,kumana hungoobi doonaan filashadooda wacan. abdi hassan <irgin2005@outlook.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|