|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Dooranaya Madaxda Gudiyada Qaarada.
July 18, 2016 - Written by Wariye:
Waxaa maalmahan socotay hadal hayn ah in doorashada dib loo dhigi doono, balse taas ayuu hadda Midowga Afrika meesha ka saarayaa. Musharraxiinta u tartamaya jagada gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Botswana iyo Equatorial Guinea, waxaana qofka guuleysta uu bedeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma, oo Koonfur Afrika u dhalatay. Sidoo kale, hogaamiyayaasha qaaradda ayaa la filaya in maanta ay ka arrinsadaan la dagaallanka argagixisada, iyo in ay yeeshaan sanduuq dhaqaale oo gaar u ah la dagaallanka ururada xagjirka ah ee Afrika. Hargeisa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|