Maxkamadda Ciidanka Oo Dil Toogasho ah Ku Xukuntay 8 kamid Ah Dadkii Loo Haystay Dilkii TaliyE Casayr,Halka Ay Tiro kalena ku Riday xukuno kala Duwan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Ciidanka Oo Dil Toogasho ah Ku Xukuntay 8 kamid Ah Dadkii Loo Haystay Dilkii TaliyE Casayr,Halka Ay Tiro kalena ku Riday xukuno kala Duwan.
July 24, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 ka mid ah dadkii loo haystay in ay dileen taliyihii ciidanka Booliska gobolka Saaxil gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf  Casayr labadii bishii saddexaad ee sanadkan sidaasi waxa Horn Cable TV u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

Todobo nin oo kale ayaa iyana lagu xukumay min 7 sanno oo xadhig ciidan ah.

Sharmaarke ayaa intaasi ku daray laba nin oo kale lagu Xukumay laba sanno oo xadhig ciidan ah kuwaas oo uu sheegay in mid ka mid ah loogu tegay qoriga taliyihii la dilay halka nin ka kalena lagu helay in uu gaadhi ku caawiyay kuwa wax dilay.

Dhinaca Kale waxa sideed bilood oo xadhig ah lagu xukumay badhasaab kuxigeenkii hore ee Saaxil Mr Xaamud oo isna lagu waayay in uu dilka qayb-ka ahaa balse waxa lagu helay xil gudasho la’aan iyo weliba in uu iska indha tiray digniino hore loogu jeediyay.

Shan Qof oo kale ayaa la siidaayay kadib markii lagu waayay in ay wax danbiya galeen.

 

COMMENTS
LINKS