Maraykanka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka Israel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka Israel.
July 7, 2016 - Written by Wariye:

Maraykanka ayaa dhaleeceeyay qorshaha Israel ay ka dhisayso boqolaal guri oo cusub dhulka ay Israel ka haysato Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kirby, ayaa ku tilmaamay qorshahan hab dhul lagu qaadanayo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka Israel.

Kooxda caalamiga ee Quartet ee wadahadalada nabada ee Bariga Dhexe, ayaa dhowaan dhaleecaysay go’aanka Israel ay guryaha ku dhisayso.

Ilaa 570,000 oo reer Israel ayaa degan in ka badan boqol meelood oo ay Israel dhisatay tan iyo markii ay Israel qabsatay Daanta galbeed iyo Bariga Jerusalem 1967-dii.

Dhulka ay Israel ka haysato Falastiiniyiinta ayaa jabinaya

sharciga caalamiga ah.

Iyadoo ay soo xiganayaan sarkaal reer Israel, wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in Israel ay qorshaynayso 560 guryo cusub inay ka dhisto Maale Adumim, oo ku taala Jerusalem banaankeeda, iyo ku dhawaad 200 oo laga dhisayo gudaha magaalada.

Qorshaha ayaa sidoo kale ku baaqaya, in 600 oo guri laga dhiso xaafada ay degan yihiin carabta ee Bariga Jerusalem ayay sheegtay.

Sources:BBC.

COMMENTS
LINKS