Madaxweyne Silanyo Oo Caawa Soo Kormeeray Qaar Ka Mida Suuqyada Hargaysa Oo Ay Ka Socoto Diyaargarawga Iidu Fidriga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Silanyo Oo Caawa Soo Kormeeray Qaar Ka Mida Suuqyada Hargaysa Oo Ay Ka Socoto Diyaargarawga Iidu Fidriga
July 4, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa ayaa ku war helay si kadis ah Madaxweyaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka tukaamaynasanaya suuqyada waawayn ee magaalada Hargaysa,waxaanay ku noqotay fajiciso iyaga oo aan uga baran,waxaana uu lagu arkay Suuqa Waaheen,Xaafadaha Jigjigayar,Xero Awr,Idaacada iyo xaafadaha kala duwan ee mgalaada Hargaysa.

Safarkan madaxweynaha ee suuqyada magaalada Hargaysa  ayaa ku soo beegmaya xili ay suuqyada caasimadu la ciirciirayaan dadweynaha oo u diyaar garoobaya ciidu fitriga sidoo kalana ay jiraan cabashooyin badan oo dhinaca maciishada ah iyada oo sarifka lacagaha qalaadna si tartiib tartiib ah kor ugu kacayaan khaastan doolarka ayaa  ku noqday halkiiisii hore.

COMMENTS
LINKS