Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Hambalyo ah Udiray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Britain Theresa May Oo Maanta la Wareegtay Xilka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Hambalyo ah Udiray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Britain Theresa May Oo Maanta la Wareegtay Xilka
July 13, 2016 - Written by Editor:

Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Hambalyo ah Udiray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Britain Theresa May Oo Maanta  la Wareegtay Xilka.

HAMBALYO MADAXWEYNE

 Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu dhambaal hambalyo iyo boogaadin ah u dirayaa Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Theresa May oo maantoo Arbaco ah 13.07.2016 la wareegtay xilka hogaamiye-nimo ee dalkaas.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi”Anigoo ku hadlaya Magacayga ka dawladayda, iyo kan shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, waxan kuu soo gudbinayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan xilka cusub ee ra’iisal wasaaranimo ee laguugu doortay dalkaaga inaad hoggaamiso ”.

Waxan si muqleh kugu rajaynayaa inuu kuu fududaado xilkaa culusi, oo aad uga jibbo keento si buuxda. Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireena, soona taxnaa qarniyo, kaasoo ku dhisan is-aaminaad, istixgelin, wax wada qabsi iyo iskaashi dhinacyo badan leh, waxana xidhiidhkaasi kor u sii qaaday oo xoogeeyey ra’iisal wasaarihii kaa horeeyey Mr David Cameron, oo April 18/ 2013, nagu qaabiley Xarunta looga arrimiyo dalkiinna ee 10 Downing Street, anigoo ku rajo weyn inaad adiguna halkaa ka sii ambaqaadi doonto xidhiidhka labada dal, kaasoo wax badan ku soo kordhindoona, wada shaqaynteenna, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka iyo arrimaha nabadgelyadaba.

Waxaan mar kale kugu bogaadinayaa caleemo saarka xilka ra’iisal wasaarenimo iyo masuuliyada laguu cugtay, anigoo ku han-weyn, kuna kalsoon inaad dalkaaga u horseedi doonto horumar iyo barwaaqo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS