Maalgashiga DP world Ee Dekedda Berbera Waa Talaabo Hore Loo Qaaday.Qalinkii Ibrahim Qalib | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalgashiga DP world Ee Dekedda Berbera Waa Talaabo Hore Loo Qaaday.Qalinkii Ibrahim Qalib
July 21, 2016 - Written by Editor:

Ilaa intii ay soo baxday maalgashiga DP world ee Dekedda Berbera waxaa soo baxaayey hadalo ka soo yeedhaayey  bulshada oo xataa ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ay ku diidanyihiin maalgashigaas.

Aniga oo ixtiraamaaya rayigooda ayaa waxaan leeyahay sababta ay ku diidayaan oo cilmiyaysan may soo bandhigin. Waxaan leeyahay waa talaabo hore loo qaaday oo abuuraysa ilo dakhli cusub.Waxaad ogtihiin in ilihii hore ee nolosheenu ku tiirsanayd sida xoolaha oo kale uu tartan culusi ku soo kordhay. Waxaa kale oo xusid mudan in la dardar gelyo dekedda Berberba si ay hormood ugu noqoto dekedaha mandaqadda ee tartanka adag kula jira.

Mucaaradadu (Criticism) iyo rayiga oo lagu kala duwanaadaa (Diversity of opinion) horumarka  ayey kaalinta hore kaga jirtaa.Hadaba mucaaradadaasi waa tee? Waa ta ula jeedada ka dambaysaa  ay tahay mid toosin ah.

Waxaa uu qofku xaq distoori ah u leeyahay rayigiisa marka uu  saxan  yahay (get your facts right)  laakiin xaq uma laha mucaaradad ka fog runta (In correct facts)

Falsafad ayaa leh Mucaaradadu (Criticism) waa adiga oo daawo qofka siinaaya uu ku bogsado.Markaas dawada waa in sax la isugu daraa oo ay ahaataana kamiyadii saxa ahayd. (Medication must be right mixture with perfect dosage)

Marka aan ka gudbo hordhacaas kooban waxaan u daadegi dulucda qoraalkayga oo aan ku soo bandhigi aragtida ah in maalgashigaas dekedu yahay talaabo hore ay Somaliland u qaaday.

Waa maxay maalgashi shisheeye?

Waa rasamaal (Capital)

ka yimaadda hayad dal shisheeye oo ay gashato dale kale. Waa heshiis laba geesood ah oo kulminaaya danaha labada geesood.

Maal gashiga shisheeye waxaa muhiim u ah in dalka maalgashiga la gashanayaa uu yahay dal xasiloon dhinaca siyaasadda,dhaqaalaha iyo bulshoba (politically and socio-economically stable) oo nabad gelyo ah.

Maal gashigaasi ka sakow dheefta uga soo hoyanaysaa Somaliland ee waa ictiraaf in uu dalkani yahay mid buuxiyey shuruudihii ahaa in uu yahay dal xasiloon dhinaca siyaasadda,dhaqaalaha iyo bulshoba oo nabadgelyo ah. Waxaa jira dalal ictiraaf haystaa oo aan lagu aamini karin maal gashi. Waxaan leeyahay waa taabo hore loo qaaday oo wax weyn ka taraysa in aan beesha caalamka ka helo ictiraaf.

Dhinaca kale waa maxay micnaha Somaliland waxay nolosheedu ku tiirsantahay xoolaha?

Waa run in ay Somaliland nolosheedu ku tiirsantahay xoolaha.

Haddii aan idiin fasiro Somaliland waa wadanka mandaqadda aan webi lahayn oo ah shibhi Saxaraa marka laga reebo Jibouti.

Waxaa taasi keentay in reer Somaliland ay muddo hore bilaabeen in ay tacabiraan si ay nolol u raadsadaan.Waxaa ay ku dhuuman jireen maraakiibta.In badan ayaa lagu tuuri jiray Badda. Inta ka bedbaadaa waxaa ay kaga hadhi jireen ingriiska iyo wadano kale oo reer Europe ah.

Waxaa kale oo mar hore ay tageen wadamada khaliijka oon markaas aan laga soo saarin petrool. Waa ta keentay in dad reer Somaliland ahi ay degaan khaliijka iyo Ingriiskaba oo ay ka helaan dhalasho.

Dalalka mandaqadu waxay hodan ku ahaayeen wax soo saarka oo may dhoofi jirin.Waxay taasi keentay in reer Somaliland  soo helaan xirfad ah dhoofiska xoolaha iyo in ay bucsharada kaleba ka iibiyaan dalalka mandaqadda ilaa Congo.

Hadaba xoolahaasi may ahayn kuwo ay Somaliland wada leedahay ee waxay ka keeni jireen wadanada mandaqada.Markaas ilahaas dakhliga ee xooluhu waxay ka mid yihiin kuwa la inagu cidhiidhyey.Waxaa kale oo la bartay meelihii aan bucsharadda ka keeni jiray.

Markaas miyaanay ahayn in aan raadino ilo dakhli oo kale? Waxaa kale oo haboon in khayraadka uu kaluunka iyo macaadintu ka mid yihiin loo adeegsado private sectorka.

Ugu dambayn dimoqraadiyada aan dooranay ayaa rukunadeedu yihiin in dhaqaalahana loo maro private sectorka,siyaasadana lagu xoojiyo ururada bulshada (Civic society) taas oo micnaheedu yahay in dadku ka qayb galaan talada iyaga khusaysa.

Waxaa la xaqiijiyey wadanada dimoqraadiga ah ee xukuumadaha

iyo ururada bulshada (civic society)

iyo private sectorku ay isla jaan qaadaan in ay yihiin kuwa ugu xasiloon (Countries the state and the civic societies and the private sector are in constructive dialogue are economically and politically are more stable.

 

QALINKII PROF IBRAAHIM AADAN QAALIB

COMMENTS
LINKS