Is-Burinta Weedhaha Danjireyaasha Turkiga Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Shucuubta Somaliland Iyo Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is-Burinta Weedhaha Danjireyaasha Turkiga Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Shucuubta Somaliland Iyo Somalia
July 31, 2016 - Written by Editor:

Muddo laba todobaad ka yar ayaa laga jooga xili qusulka dowladda Turkiga u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa mr Muzaffer Yuksel, uu ku dhawaaqay in Dowladdiisu aqoonsatay Passport-ka Somaliland isla markaana mas’uuliyiin ay ku jiraan Madaxweyne Siilaanyo marwada koowaad ay ku tageen dalka Turkiga Baasaaboorada Somaliland oo uu saaranyahay dal-ku-galka dalka (Visa) dalka Turkigu. mr Muzaffer Yuksel ayaa tagitaanka dalka Turkiga ee Madaxweynaha iyo marwada koowaad u daliishaday in Dowladiisu aqbashay in baasaaboorka Somaliland lagu tagi karo dalka Turkiga laakiin maalmo kooban ka dib waxa magaalada Muqdisho shir Jara’id ku qabtay safiirka DowladdaTurkiga u jooga Somalia mr Olgan Bekar oo gaashaanka u daruuray in dowladdiisu haba yaraatee  aqbashay Basaaboorka Somaliland, isaga oo sheegay in labada Shacab ee Somaliland iyo Somalia ay dowladda Turkiga iskugu mid u yihiin isla markaana ay dowladda Turkigu ka shaqaynaso sidii loo heli lahaa Somalia oo mid ah oo ka xoog badan sida ay haatan tahay.

 

Hadaladan is burinaya ee ka soo baxaya afka laba danjire ee Dowladda Turkiga u kala jooga Hargeysa iyo Muqdisho ayaa jaho wareer ku abuuray labada shacab ee walaalaha ah ee ku kala dhaqan labada dal Somaliland iyo Somalia.

Hadalkii hore ee kasoo yeedhay qunsulka jooga Hargeysa, waxa ku diirsatay oo soo dhaweeysay bulshada Somaliland, oo u arkaysay fursad iyo waa cusub oo u iftiimay galaangalka caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland la yeelan karto dowladda Turkiga iyo dowladdaha la meeqaamka ah.

Dhanka kale shacabka reer Muqdisho ama guud ahaan Somalia ayaan ku diirsan warka uu sheegay Qunsulka Hargeysa u jooga dalka Turkiga mr Yuksel waxanna iska soo daba dhacayay todobaadkii la soo dhaafay canbaarayno kala duwan oo baraha bulshada ay ku soo daabacayeen bulsho waynta degta dalka Somalia oo ku aadan hadalka qusulka jooga Hargeysa.

Mar kale ayuu is badalay dareenkii bulshadu markii safiirka Turkiga u jooga Muqdisho mr Olgan Bekar  uu shaaca ka qaaday in dowladdiisu baasaaboorka Somaliland u aqoonsantahay oo kaliya in uu yahay kaad aqoonsi (ID-Car) ee aanay cidina ku dhoofi Karin baasaaboor ahaan u aqoonsanayn.

Hadaba hadalan is burinaya ee ka curtay inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay Turkiga iyo dugsiga Nile Academy ee lagu deeyay in uu argagixiso xidhiidh la leeyahay oo ay shaqo ka joojintiisa ku kala qaybsameen xukuumadaha Xamar iyo Hargeysa, ayaa daaha ka fayday masaaliixda uu Turkigu ka leeyahay Somaliland iyo Somalia iyo duruufaha isdiidan ee hadheeyay.

Dowladda Somaliland waxay muddo ka badan 25-sanno ku andacoonaysaa in ay tahay Jamhuuriyad ka madax banaan Somalia, laakiin dowladda Somalia waxay ilaa hada aaminsantahay in Somaliland  tahay qayb ka mid ah dhulka ay maamusho, waana arinta saldhiga u ah in ilaa  danjirayaashii dalka qudha ka wada socday ay isku khilaafaan arimaha khuseeya masiirka labada dal.

Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia mr Olgan Bekar waxa uu ku noolyahay magaalada Muqdisho oo gabi ahaanba diidan jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxannu ilaalinayaa masaaliixda ay dowladdiisu ka leedahay dalka Somalia madaama ay dowladda Turkigu aad u danaynayso arimaha Somalia isla markaana ay dhawaan ka furatay magaalada Muqdisho safaarad baaxad wayn.

Dhanka kale qunsulka dowladda Turkiga u fadhiya Hargeysa wuxu si dhab ah u rumaysan yahay in uu joogo dal la yidhaa Jamhuuriyada Somaliland, intii uu Hargeysa  joogayna indhihiisu may qaban calanka buluuga ah ee astaanta u ah dalka Somalia, laakiin subax kasta marka uu shaqada soo galayo waxa uu indhaha ku dhuftaa Calanka sadexda midab ka kooban ee astaanka u ah Jamhuuriyada Somaliland, taasina waxay qasab ka dhigtay in uu rumaysto in uu yahay danjira dalkiisa wakiil uga ah Somaliland oo aan joogin dal Somalia la yidhaa.

Ugu danbayntii waxa iska cad in xuukuumada Somalia ay cadaadis ku saartay safiirka dowladda Turkiga u jooga magaalada Muqdisho in uu jawaab ka bixiyo hadaladii kasoo yeedhay qunsulka dowladda Turkiga u jooga magaalada Hargeysa si loo qaboojiyo shacabka reer Somalia ee ka qayliyay hadalka qusulka Hargeysa jooga, si aanay colaad hor lihi uga dhex abuurmin dowladda Turkiga oo naasnuujida dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan muqdisho.

 

Dhanka kale waxa dowlada Somaliland la gudboon in ay talaabo cad oo dublamaasiyadeed ka qaado xafiiska dowladda Turkiga uga furan Hargeysa maadaama oo dowladda Turkigu aanay marnaba dhex ka noqon Karin arimaha Somaliland iyo Somalia.

Waxa la yaab leh in dowladda Somaliland ku qanacdo in dowladda Turkigu dhex dhexaad ka noqoto wadahadalada u socda labada dal iyada oo dowlada Turkigu markasta ku tiraabta in ay doonayso Somalia oo  mid ah oo xoogan.

Hadaba hadii mas’uuliyiinta Somaliland doonayaan in ay guul ka gaadhaan mustaqabalka sisaasada arimaha dibada iyo ololaha ictiraaf raadinta waxa waajib ku ah in ay markasta ka fiirsadaan cida ay gaashaanbuur ka dhiganayaan oo aanay ku hodmid daha iyo masaaliixda aan midho dhalka ahayn ee  badanaa lagu mashquuliyo. Waxana lagama maarmaan ah in lagu dadaalo in in xidhiidho hor leh lala yeesho cidkasta oo ka siyaasad ahaan lidi ku ah dowladda Somalia, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “cadowgaa cadowgiisu waa saaxiibkaa” inkasta oo shucuubta labada dal yihiin dad walaalo ah hadana maanta Somaliland iyo Somalia xaga siyaasada waa ku cadow oo qolana qolo kale masaaliixdeeda iyo horumarka ay ku talaabsato kuma farxayso.

 

Qalinkii Mohamed Omer Jibriil (Moj)

Mx7lee@gmail.com

Hargeisa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS