|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Liiska Magacyada Degmooyin Cusub Oo Uu Madaxweyne Silaanyo Digrayto Ku Magacaabay
July 14, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajalenews)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta digreeto ku magacaabay todoba degmo oo kamida gobolada Somaliland. Waxaana digreetada lagu magacaabay degmooyinku ay u dhignayd sida tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka; Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka; Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub; Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Wuxuu go’aansaday;
Ø In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex. Ø In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer. Ø In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer. Ø In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo. Ø In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar. Ø In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool. Ø In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.
ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|