Halkan Ka Akhri Liiska Magacyada Degmooyin Cusub Oo Uu Madaxweyne Silaanyo Digrayto Ku Magacaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Liiska Magacyada Degmooyin Cusub Oo Uu Madaxweyne Silaanyo Digrayto Ku Magacaabay
July 14, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajalenews)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta digreeto ku magacaabay todoba degmo oo kamida gobolada Somaliland.

Waxaana digreetada lagu magacaabay degmooyinku ay u dhignayd sida tan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                       Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:               Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:               Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay:                        Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

 

Ø  In uu Balli-mataan  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

Ø  In uu Geba-gebo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Faqayuub  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

Ø  In uu Wadaamagoo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

Ø  In uu Adhi-cadeeye  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Ø  In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS