Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Muuse Biixi Ku Balamiyay Sarkaal Boolis ah Oo Uu Adeer Uyahey In uu Ka Joojiyo Garoonka Xawaadle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Muuse Biixi Ku Balamiyay Sarkaal Boolis ah Oo Uu Adeer Uyahey In uu Ka Joojiyo Garoonka Xawaadle.
July 4, 2016 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Muuse Biixi Ku Balamiyay  Sarkaal Boolis ah Oo Uu Adeer Uyahey In uu Ka Joojiyo Garoonka Xawaadle. iyo Gudoomiye Ciro Oo Qaatey Amarkii Askarta Wax Xanaaq ahna Muujin

Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga joojiyay, garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa halkaas oo ay ka horjoogsadeen Taliyaha Saldhiga Daloodho Diin-Qale oo la sheegay in uu amarka ka joojinta Gudooimyaha Wadani Cabdiraxmaan-ciro ee Garoonka Xawaadle uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay, in uu ka xanaaqsanaa fashilaad uu xaley kala kulmey Odoyaasha iyo Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo ka hadli kari waayey fagaare badheedhe ah qorshe uu kula soo balamay Madaxtooyada ahaa arinta Xiisada ka taagan Wareejinta Dekedda Berbera taas, ayaa kaliftey in Muuse Biixi oo xaley ka hadley fagaare Xildhibaanada Golaha Deegaanku ku casuumeen oo masuulyiin Xukuumada ah iyo Xubno ahi u camireen uu cadhadii halkaa ka tabiyay khudbad isburinaysa oo ay fahmi waayeen kasoo qeyb galayaashii oo dhan taas oo uu meesha kaga saarey habayaraatee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid in uu wax tartan ahiba la galeynin haseyeeshee, uu yahey Xisbiga kaliya ee la tartamayaa Xisbi aan qaan gaadhin oo uu ku sheegayo Xisbiga Wadani.

Guud ahaanba Dhalinyarada ku tartameysay Garoonka Xawaadle ayaa siweyn uga xanaaqey talaabada lagaga horjoogsadey Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Garoonka iyo koobka uu gudoonsiin lahaa taas oo laga yaabo in ay cawaaqi xumo u abuuri doonto Xisbiga Kulmiye iyo Murashax Muuse Biixi Cabdi oo dagaal cadho leh bilaabay.

 

COMMENTS
LINKS