Gudoomiyaha Ururka Qareenada SOLLA oo munaasiba Ciida fidriga Awgeed Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland iyo Bahda Ururka Solla | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ururka Qareenada SOLLA oo munaasiba Ciida fidriga Awgeed Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland iyo Bahda Ururka Solla
July 6, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(WAJAALENEWS)  Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Mudane Maxamed  Maxamuud Xaashi (Timo) Ayaa Waxa uu  hambalyada udiray isagoo ku hadlaya magaciisa ka ururka qareeda somaliland munaasiabada Ciida Fidriga awgeed shacabka somaliland iyo bahda ururka qareenada Ee SOLLA Wuxuna u dhignaa hadalkisii sidan;

Waxaan halkan hambalyo  uga dirayaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland guud ahaan bahda sharciga  gaar ahaan Xubnaha ururka qareenada Somaliland e SOLLA  waxaan leeyahay   Ciid mubaarik ilaahay ha idinka aqbalo Acmaashii fiicnayd Ee aad soo qabateen caafimaad barwaaqo, iyo bash bashna ha idinku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa insha allahu kariim.

Waxaanan leeyahay xubnaha ururka qareenada Somaliland waxa inoo balan ah adeeg wanaagsan oo hufan daacadnimo iyo karti dheeraad ahina ku jirto  marwalba waxa inaga go’an oo hadafkeena kowaad ah in aynu bulshada adeeg fiican oo raali galiya u qabano sharcigana ka haqab tirno

 

Wa bilaahi towfiiq

GUDOOMIYE  MAXAMED MAXAMUUD XAASHI TIMO

SOMALILAND HARGAYSA

COMMENTS
LINKS