Gabay baa ahaa Nin Anbaday Halkuu Maray, Way Ula Ekoonayde, Anigoo Arkaayaan ,Wadada Eerigo’an Maraye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabay baa ahaa Nin Anbaday Halkuu Maray, Way Ula Ekoonayde, Anigoo Arkaayaan ,Wadada Eerigo’an Maraye.
July 31, 2016 - Written by Wariye:

Malaa Arintan Maanta Ayaabu Sheegayey Abwaanku — Anigoo Arakayaan Wadada Erdogan Maraye

Aniga aragtidayda aad iyo aad baan u dhaliilayaa dhamaan umada reer somaliland gaar ahaana Xukuumada talada haysa , golayaasha qaranka , saddexda xisbi qaran

ee mudada dheer daawanaya godkay ku dhacday qadiyadii qaranimadeenu oo inta la yidhi waxay ku xidhantahay wadahadal soomaaliya lala yeesho hadana inta aduunka oo dhan laga ka xeeyey gacanta loo galiyey Turkiga oo dad ahaan iyo dawlad ahaanba macangag ah oo

weliba waqtigan xaadirka ah Turkiga laftiis u isagii isku baaba’ay oo qarka u saaran inuu dumo ayaa hadana bal nasiib darada jirta weli lagu daawanayaa Turkiga isaga oo silcinaya dhulkana la dhacaya si cadna u muujiyey ficil ahaan iyo qawl ahaanba
hagardaamada

uu ku hayo aayihii umada iyo wixii ay umadani dad iyo duunyaba ku wayday ee in ka badan 100,000 kun oo qof u dhimatay .

Fadlan bal dhagaysta Turkigu wuxuu si cad uu leeyahay anagu waxaanu doonayana midnimo soomaaliya sidee buu markaa dhexdhexaad u noqon karaa maxaase go’aan looga

qaadan waayey arintan wadahadalada Turkiga ee mawaaleda iyo marin habaabinta ah ?

Cabdullaahi Axmed Xeef

COMMENTS
LINKS