Fadeexadaha Kulamaan Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Booqday Laascaanood Isagoo Dirays Ciidan Xidhan Iyo Dareenada Ka Dhashay!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexadaha Kulamaan Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Booqday Laascaanood Isagoo Dirays Ciidan Xidhan Iyo Dareenada Ka Dhashay!!.
July 23, 2016 - Written by Editor:

Laascaanood(W.N)- Wasiirka Beeraha Somaliland, Maxamed Aw Daahir, ayaa shalay gaadhay Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isagoo xidhan tuutaha ciidammadda, taasina waxay noqotay  Fadeexad weyn oo tusmaynaya in  nabad-gelyo darro ka jirto gobolkaasi.

Laascaanood(4).jpg

Dadweynaha reer Laascaanood iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ayaa si weyn ula yaabay markii ay  xalay kamaradaha muuqbaahiyeyaashu soo saareen Wasiirka Beeraha oo socdaalkiisii ugu horeeyay intii uu Wasiirka ahaa uu ku tagay  Laascaanood ugu  labistay  Tuute ciidan, taasi oo milgo xumo ku ah dawladnimadda Somaliland, maadama oo aanu ahayn  Wasiirkii Gaashaan-dhiga isla markaana aanu ka mid ahayn  Masuuliyiinta sharciga dalku jideeyay inay xidhaan labiska ciidammadda.

Waxa kamaradaha ka soo baxay Wasiir Maxamed Aw Daahir oo xidhan

Tuute  jimcihii shalay oo ay duleedka Magaaladda  Laascaanood ku soo dhaweynayaan Badhasaabka Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo  masuuliyiin kale oo uu ku jiray isku-duwaha wasaaradda Beeraha ee gobolka Sool.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan  Laascaanood, oo siday noo sheegeen warbaahinta ka daalacday Wasiirka Tuutaha xidhan, ayaa arrintan ku sifeeyay mid lagu sumcad dilayo heerka nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee magaaladda Laascaanood “Markii aan shabakadaha Internet-ka galabta(shalay) ka daawaday Wasiir aan ahayn kii difaaca oo noo soo xidhay Tuute, wixii  ugu horeeyay ee maskaxdayda ku soo dhacay wuxuu ahaa inuu muujinayay inuu tagay meel aan caadi ahayn marka la eego dhinaca ammaanka,”ayuu yidhi Maxamuud Ibraahim Saleebaan oo ka mid ah dhalinyarrada reer Laascaanood oo DAWAN la soo xidhiidhay.

Wasiir-Maxamed-Daahir.jpg

Maxamed Ibraahim waxa uu aaminsan yahay in dawladda Somaliland raali-gelin ka bixiso wax uu ku  macneeyay   “Sawirkii xumaa ee uu Magaaladda Laascaanood ku galay Wasiirka Beeruhu.”

Sidoo kalena ray’ul caamka bulshadda Somaliland ayaa illaa xalay goobaha barkulanka bulshadda ku haasaawayay sababta  Wasiirka Beeruhu uu tuutaha ugu xidhay magaaladda Laascaanood, iyagoo dadkii mowduucani uu soo jiitay aqlabiyadoodu isku raacsanayd inay ahayd fadeexad Wasiirku cagaha la galay taasi oo ka soo horjeeda baratakoolka dawladnimo.

Wasiirka Beeraha Maxamed Aw Daahir, waxa uu booqday goob uu sheegay in laga binayn doono dhawaan xaruntii wasaaradda beeraha ee gobolka Sool oo isla sannadkan 2016 dawladdu ku dartay miisaaniyadda xukuumadda dhexe.

“Waxaan maanta (shalay) aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan imaado magaallo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, inkasta oo aan hore u aqaanay magaaladdan, haddana intii aan Wasiirka Beeraha ahaa maanta ayaa iigu horaysa. Waxaan ku faani karaa inaan ahay Wasiirkii ugu horeeyay ee wasaaradda Beeraha ee gobolka Sool Gaadhi keenna,”ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.

Wasiirku waxa uu ku dooday “Kaalintii wasaaraddu ka qaadan lahayd gobolka waanu soo buuxinay, waxa kale oo aanu sannadkan miisaaniyadda ku darnay xaruntii wasaaradda Beeraha ee Laascaanood, injineer ayaa ila socday qiimeynaya oo qiyaasaya dhismahan inay si dhakhso ah aanu u bilowno oo ay u dhisanto ayaanu rejaynaynaa oo uu noqdo  dhismahani waxyaabaha marka la tartamayo ay KULMIYE iyo xukuumadiisu sheegan karaan.”

Wasiirka Beeruhu waxa uu ka dalbaday shacbiga reer Laascaanood inaanay u coddaynin wax uu ugu yeedhay “Cid odhan doonta Laascaanood maxay ahayd”, waxaanu xusay inuu ku faraxsan yahay horumarka balaadhan ee ay samaysay Laascaanood mudadii ay dawladda Madaxweyne  Axmed Siilaanyo xilka haysay.

Dhacdadan ayaa ah mid ugub ah oo aan Somaliland hore uga dhicin, marka laga reebo Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Waran-cadde oo mar uu booqday ciidammadda qaranka ee jiida hore ee Gobolka Sool  ku dhex labistay tuutaha ciidanka xerada dhexdeeda markii uu ka  soo baxayna iska saaray, hase yeeshee Wasiirka Beeruhu wuxuu ku dhex socday Magaaladda dhexdeeda.

 

XIGASHO: Wargeyska DAWAN

COMMENTS
LINKS