DUGSI MALE QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE SAAHIDOW HADAL GAR AH BAY GOBI KU HAASOWDAAYE Qalinkii : Eng. Khaalid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DUGSI MALE QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE SAAHIDOW HADAL GAR AH BAY GOBI KU HAASOWDAAYE Qalinkii : Eng. Khaalid
July 30, 2016 - Written by Wariye:

Eng KhalidKoley intiina caqliga fiicani waad wada garateen ujeeddada qoraalkeyga ciwaankiisu yahay

DUGSI MALE QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.

Dhawaanahan waxaad social media ama baraha bulshada isticmaasho aan ku arkayey niman dhaliin yaro ah oo xumaan iyo qabyaalad u isticmaalaya moraadkooda gaarka waa kuwa caqli xun waana kuwii tacliinta ka saaqidey halkee ayay ka keeneen xumaantan? Su,aashan jawaabteedu wey fududahay waxaana weeyi jawaabtu shaydaankoodii gardarooyinka iyo xumaanta u kala doori jirey ayaa ku yidhi Maayarka gabiley reer ayuu Maayar u yahay shaydaankoodu markuu sidaa ku yidhi iyaguna may hubsan ee hawraarsan ayay ku yidhaahdeen markaaseyna ku kaceen falal foolxumo ah.

 

Maayarka waa la soo doortey lakiin waxaa isweydiin mudan kan isagoo marfash fadhiya qaadka uu ku cunayaana soo amaahdey ku fikirey inuu dadka masuuliyiinta ah uu sharaftooda meel kaga dhaco sidaana uu aduunku helo waxaan lee yahay hadii aan soo qortid 100 sadar oo cay ah waxa ay dadka qaar soo qorayaan 2000 oo amaana ah (SAAHIDOW HADAL GAR AH BAY GOBI KU HAASOWDAAYE) maankaga gudhani gafka ha joojiyo haddii kale garaad xumo iyo gardaradaada ayaad ku cadaab gali.

 

Waxaan xaal iyo raaligalin siinayaa Maayarka magaalada gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi oo ah nin dhaliinyaro ah waa nin u tartamayey golihii deegaanka codkana aysiiyeen beelkasta oo gobolka gabiley waa nin qaran maaha nin qabiil hadalada wax-magaratada maangaabta ahi meelahaa kale yihiin Ayaan xaal iyo raaligalin ka siineynaa iyadoo ay igu taageersan yihiin raaligalinta inta caqliga fiican ee garaadkoodu sida fiican u fikirayo.

 

Anigu qabiil iyo reernimo hadalkan igamay keenin laakiin indhaha caafimaadka qabaa iyo garashada xeesha dheeri waxay arkaan ayuun baan arkaa inta maskaxdoodu caafimaadka qabtaana wey fahmi karayaan ujeedada iga hadlisey.

 

Maan jeclayn in aan cid la hadlo oo aan wax u sheego lakiin markey waxba ka sariigan waayeen xishoodkiina ka tageen Ayaan bal waa intaaso ilaahay xumaha kaga saaraa oo dawo uga dhigaaye aan qalinka u qaatay qormadana wax ugu sheegey koley kii ilaahay garashada ku ilahaamiyo dib ugu noqon maayo khaladkii uu galay inta kalena alle ha soo hadeeyo.

Allah Mahad Leh

 

                                                      Qalinkii : Eng. Khaalid Maxamed Cali ileeye

                                                                  Email:  Ileeye169@gmai.com

COMMENTS
LINKS