|
|||||
WAJAALE NEWS
Donald Trump Oo Loo Doortay In Uu Noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga.
July 20, 2016 - Written by Wariye:
Xisbiga oo shir weyne uu ku lahaa magaalada Claveland ee gobolka Ohio ayaa kalsooni buuxda siiyay Trump kaddib markii uu helay taageerada inta ugu badan wafuudii gobolahada ee ka qayb galaysay shirweynahaasi xisbigaasi. Ergada gobolada ayaa u codeysay cidda ay doonayaan in uu xisbiga ku matalo doorashada, waxaana arrintaa ku soo baxay Trump. Donald Trump ayaa kulankaasi u sheegay in uu ku faraxsan yahay in loo doorto in uu noqdo musharaxa xisbigiisa. Waxa uu intaasi ku daray in uu kalsooni ku qabo in uu tartanka madaxtinimada dalka ku guuleysan doono isla markaana uu isbadal weyn ka sameyn doono dalka. Paul Ryan oo ah afhayeenka aqalka wakiilada ayaa ugu baaqay wafuudda ka qayb galaysay shirweynaha xisbiga in loo midoobo sidii loo taageeri lahaa Trump. Hargeisa Office Related posts:Musharaxa xusbiga ucid oo socdaal ku Tagaya Magaalada Gabiley Iyo Maayirka Gabiley Oo Soo saaray War... Weerarka Ka Dhanka Ah Gudoomiye Ciro, Ee Xukuumada, Hogaanka Kulmiye iyo Xubin Kasta Oo Muxaafid ah... Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigay Wadooyin laami ah oo isku xidhi doonta Borama iyo gabiley i... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|