Dhacdo Murugo leh; Wiil Yar 12jir Oo Irbad Si khaldan loogu Muday “koomo” Ugu jira Mudo Afar bilooda Dhakhtarka Hargaysa Iyo Ehelkiisa ka Waramay Xaalada Uu ku Sugan Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Murugo leh; Wiil Yar 12jir Oo Irbad Si khaldan loogu Muday “koomo” Ugu jira Mudo Afar bilooda Dhakhtarka Hargaysa Iyo Ehelkiisa ka Waramay Xaalada Uu ku Sugan Yahay.
July 3, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Mudo imika laga joogo afar bilood ayay ahayd markii wiil yar oo 12jir ay dhakhaatiirta cisbitaalka wayn ee magaalada hargaysaa ay ku samaynayeen Oporayshan qaliin balse intaa ayna galin qaliin islamarkaana ay bilaabeen uu in ay suuxiyaan ayay ka ilaaween Ogxajentii ee la isticmaalo marka qofka lasuuxinayo,

XAALADA WIIL YAR 1

Dhacdadaasi ayaa sobobtay in ilmihii yaraa kasoo noqon waayo coomadii hore walina wuxu  yaalaa dhakhtarka hargaysa  wax adeega oo loo fidiyayna majirto

midkamida eheladiisa oo kawaramaya sidii wax u dhaceen ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan;

dhacdo 2

 

Waxay ahayd 21feb2016 waxaa dhacday

Arin lama filaan ahayd inkastoo ay qadar rabbi ahayd

Sacad mohamed Cali waxa uu ahaa arday yar oo 12 sano jiray waxa uu ahaa xafid quraan dhigta Dugsiga hoose dhexe ee

Albayaan school grade7..

Maalin maalmaha ka mida ayuu isyidhi

Restuerent kasoo cashee kadibna wuxuu

Ku dhacay kaabad yar oo ka horaysa

Hudheelki gacanta bidix Ayaanu ka jabay

Waxay yidhaahdeen dhakhtarkii inanka

Waxaa meesheedi ka tagtay kuraanta

Suxulka markaa waxa uu u baahan yahay

In biro loo geliyo gacanta

Kadib waxaa la dhigay cisbitaalka guud

Ee magaalada hargaisa ..

Waxay ahayd maalin isniina 21feb 2016

Sacad yare wuu soconayey waxaanu ahaa

Mid qalbi furan iyo farxad ugu sheekaynaaya hoyo iyo abo Wuu soo tukaday quraana wuu soo akhrista

Waxay gaadhay sacad time kii loo qorsheeyay inuu operationka galo

Waa 8:00Am subaxnimo ..isniina 21feb

Way dheeraadeen saacaduhu waxay is gurtaba waxay gaadhay saacadii 1pm

Waaba yaabe ma gacantii yarayd ayaa

6 saac la haystaa

Mayee Arin ka weyn ayaaba timi

Lama taaban gacantiiba

Waxaa dhacday in debada looso saaro

Wiilki yaraa oo coma intuu galay aan

Sariirtaba qabanayn ilaa dad badan

Ay qabqabtaan mooye

Waxaa dhacday in la yidhaahdo wuu

Kasoo noqon waa coma oo hunqaaco

Ayaa sanbabada ugu noqotaye

Waxay maalinba maalin dhibto

Waxay gaadhay 25 coma ah

Ooo ay sheegi waayen wax ku dhacay

Wiilka yar ee Miskiinka ah

Oo yaa wax u fasiraYa qof Dan yar ah

Oo aan magac weyn bulshada ku lahayn

Ama aan masuul ahayn

Waxaa soo noqnoqotay su,aasha ah

Wiilka maxaa ku zababay coomada

Dheer Mar hadaan la taaban gacantiiba

Oo waxba laga qaban

Ma daawo Khaldan ayaa wiilka lasiiyay ????

Waa su,aal qof kasta oo wiilka yar arkay

Maskaxdiisa ka guuxda….

Waxaa ka jawaabay Agaasimihii dhamaa

Ee Hospital ka Hargaisa Dr AskAr

Muxuu yidhi bilaa calaykum

Inanka yar markii la suuxinayey ayaa

Bilaa oxygen lagu suuxiyay

Waa qof dhan oo qalniin loo diyaarisey

Oo bilaa oxygen ah !!!!!!!!

Aabo ayaa ku celiyay markaa damage kan

Idinka ayaa masuuliyadeeda leh

Sowmaaha??????

AskAr wuxuu yidhi weligeed ayay dhici jirtay tanoo kale wiilkaagu ma waxa uu ka fiicanahay Dadkii hore ugu dhintay sidan oo kale

Waa Arin lala yaabo oo madaxa dadweynaha

Ka weynaateY in nin dhan oo masuul ah

Weliba masuulnimadu kala khatarsane

Masuul caafimaadI inuu saa u hadlo

Hoyo iyo Abo wiilkoodIii oo sheekaynaaya

Oo qoslaaya laga kaxeeyay oo lagusoo

Celiyay isagoo cooma ku jira 3 monthsWax Garawshiiyo ahna laga siin waayeyQof walba ayaa dareemaaya oo dub naxaa

Ku yaal ……… farajalaah qariib

waxaan qoray dhibanaha Walaalkii

 

 

XIGASHO By:MOhamoud Abyan

COMMENTS
LINKS