DAAWO: Sheeko Aad U Xiiso Badan Oo Dhex Martay Guddoomiye Cirro Iyo Hooyo 80 Jir Ah Oo Xaabo Sidatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Sheeko Aad U Xiiso Badan Oo Dhex Martay Guddoomiye Cirro Iyo Hooyo 80 Jir Ah Oo Xaabo Sidatay.
July 29, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxmamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta ku guddo jiray hawlo shaqo oo uu ku soo furaayey xafiisyo uu lee yahay xisbiga WADDANI, ayaa wadada hor marta birjeex ee degmada Axmed Dhagax si kedis ah ugu la kulmay hooyo da’ ah oo la dhibbaataysnayd xaabo culus.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah Warbaahintu, ayaa markii ba waxa uu u joogsaday hooyadaasi da’da ah, waxaana uu ugu horreyn si dareenle uu uga xog waraystay xaaladdeed nololehed.

Inta ka dib, waxa uu guddoomiyahu uu baabuurkiisii ku qaaday xaabadii iyo hooyadii da’da ahayd isaga oo sida oo kale na halkaas ku siiyey qadar lacag ah.

COMMENTS
LINKS