|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Mas’uuliyiinta XISBIGA WADDANI Oo Soo Dhawayn Balaadhan Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Haldoorka Aqoonyahanka, Gobolada Maroodi Jeex Iyo Hawd + Nuxurka Khudbaddii Guddoomiye CIRRO
July 28, 2016 - Written by Editor:Hargeysa-(Wajaalenews)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa maanta munaasibad ballaadhan u qabtey siyaasiyiin iyo tageerayaal ku soo biiray xisbigaasi oo ka soo jeeda jeeda gobolada Maroodi Jeex iyo Hawd. Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galey guddoomiyaha xisbigaasi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO Iyo badi mas’uuliyiinta sar-sare ee xisbigaasi,dhallinyaro,salaadiin,cuqaal iyo taageerayaal badan oo xisbiga WADDANI taageersan. Munaasibadda oo milgaheedu aad u sarresey ayaa haldoorkii la soo dhaweeynayey si isku mid ah uga hadleen inay xisbiga WADDANI,la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah. Sidoo kale mas’uuliyiinta sar-sare ee xisbigaasi ayaa iyaguna geestooda soo dhaweyn ballaadhan u muujiyey haldoorkaasi maanta ku soo biirey xisbigaasi ee gobolada Maroodi Jeex iyo Hawd. https://youtu.be/v2AEArxWvrw Gebo-gebadii munaasibaddaasi ayaa hadallo duur xul iyo soo dhaweyn ballaadhani ku dheehantahay ka soo jeeidyey munaasibaddaasi Gudoomiyaha xisbiga Mucaarida ah ee WADDANI,ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan CIRRO oo maanta ayaa weji furan ku soo dhaweeyey dhallinyaradaasi aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ah, waxaa kale uu ka hadley Guddoomiye CIRRO,warar ay maalmihii u danbeeyey ay qorayeen qaar ka mid ah saxaafada Somaliland oo sheegaayey in ay jiraan shir ay ku kala kaceen hogaanka xisbigaas iyo beesha degta Xaafada Axmed Dhagax Gudoomiye Cabdiraxmaan CIRRO ayaa waxaa uu sheegay in aanay wararkaasi waxba ka jirin isla markaaana masuul ay saxaafadu sheegtey in uu shirkaasi ka mid ahaa oo ka soo jeeda xaafada Axmed dhagax aanu dalkaba joogin waxaana uu gudoomiyuhu ku tilmaamay in wararkaasi been abuur ah. Geesta kale Guddoomiye CIRRO ayaa hoosta si cad uga xarriiqey in aanu xisbiga WADDANI,aqbaleyn in doorashada hal maalin ah lagu daro,waxaana uu xukuumadda ugu baaqey in doorashada xilligeeda la qabto. Related posts:Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Lagaga Arrinsaday Sidii Looga hor tagi lahaa Dhaqdhaqaaqyada u... DAAWO; Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Ka Warbixisay Khasaarihii Ay Keeneen Roobabkii D... Daawo:Madaxwayne Trumpka Maraykanka Oo Gaadhay Dalka Sucuudiga Iyo Kulan Uu Kula Yeelanayo Dhawr Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|