DAAWO; Gudiga Diwaangalinta Ururada Siyaasada Oo Go,aamo kasoo Saaray Khilaafkii Xisbiga Ucid + Dareenka Garabka Jamaal Iyo Diidmada Faysal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Gudiga Diwaangalinta Ururada Siyaasada Oo Go,aamo kasoo Saaray Khilaafkii Xisbiga Ucid + Dareenka Garabka Jamaal Iyo Diidmada Faysal
July 21, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta Qaranka oo mar dhawayd ku dhawaaqday go’aan ay ka gaadhay dacwaddii khilaafka xisbiga UCID waxa qodobada ay soo saareen u dhignaayeen sidan:

 

(1) In Xisbiga UCID labadiisa garab ay qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn Muddo shan iyo afartan cisho Gudahood ah oo

ka bilaab mata maanta oo ay tariikhdu tahay 21/7/2016ka.

2 in labada garab soo magacabaan guddi maamusha shirwaynaha oo tiro is leeg ah.

3 Gudida tiradood waa toban xubnood waxaana loo soo gudbinayaa magacyadooda gudida diwaan galinta.

A Guddidu waxa ay iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Xog-haye Gulineed oo midba Garab ka imanayo.

B Gudidu waxa ay si isleeg u soo xulaysaa ergadda shirwaynaha

C Gudidu waxa ay maamulaysaa Shirwaynaha ilaa inta uu go’aankiisu soo baxayo.

D Qarashka shirka ku baxaya waxa bixinaya Labada garab ee shirka si isleeg.

4 Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa Dhmaan Qodobada Heshiiska labada qodob iyo wax ka badal  xeerka guud ee xisbiga Ucid ee ku tariikhaysan 12/7/2012kii.

5 Golaha Dhexe ee xisbiga ucid oo tiradiisa sharciga ahi tahay boqol iyo koob iyo sideetan Soo jeedin sharcina ka taalo waxa lagu dhamays tirayaa shirwaynaha.

6 Musharax-Nimada Jamaal Cali Xuseen waxa ay ku dhamays tirmaysaa marka uu shirwaynahu ansixiyo.

7 Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyay guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga ucid waxa uu xilkiisu dhamays tirmayaa marka uu shirwaynahu ansixiyo.

8 qodobada 1aad ilaa 7aad ee go’aanka waxa ay gudidu u cuskatay sida ku cad heshiiska labada garab eek u tariikhaysan 12/72/2012ka qodobada 1aad iyo 4aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 4aad labada dhinac waxa ay ku heshiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawl galiyo gudi qaban-qaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomida kal fadhiga 4aad ee golaha ee xisbiga ucid iyo shirwaynaha guud ee aan caadiga ahayn,shirka Golaha Dhexe iyo shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhamaan qodobada heshiiska sidoo kale waxa ay meel marinayaa wixii kaabis iyo wax ka badal ah ee lagu sameeyay xeerka guud ee xisbiga ucid.

Qodobka 1aad Baragiraafka u danbeeyaa waxa uu leeyahay(sida oo kale waxa labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan gudi hoosaadyada iyo dhamaan Xog-hayayaasha xisbiga ay si siman u qaybsadaan.

9 Waxa kale oo ay cuskatay xeerka 14 qodobkiisa 26tanaad oo u dhigan sidan( gudida diwaan galinta iyo ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranka waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye,xeerka hab dhaqanka iyo awaamiir aan ka hor imanayn xeerkan(xeer 14).

Cidii xukunkan ku qanci wayda in ay rafcaan u qaadato maxkamadda Sare ee J.S.L,Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay Tariikhud tahay 7/21/2016ka.

COMMENTS
LINKS