Booliska Dalka Kenya Oo Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ah Ku Toogtey Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi­. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Dalka Kenya Oo Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ah Ku Toogtey Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi­.
July 13, 2016 - Written by Wariye:

Hargeysa(WJN):-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka dalka Kenya ay ku toogteen xaafada Islii laba dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay burcad ahaayeen.

Ciidanka ammaanka ayaa soo bandhigay hub lagu soo qabtay dhalinyarada ay toogteen oo la sheegay in ay dhibaato weyn ku hayeen dadka kunool xaafada Islii.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo isku jirta Kenyaan iyo Soomaali oo la magacbaxday Super power ,kuwaa soo la sheegay in ay dhac u geysan jireen dadka kunool xaafada Islii.
1
Sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dabajoogeen dhowr bilood sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggaasi ka dibna ay toogteen.

Madaxda Soomaaliyeed ee kunool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka tanaasulaan falalka xun xun ,waxayna dowladda Kenya ugu baaqeen in ay dhaqan celin u sameyso dhalinyaradaasi.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS