BEENTI KUFTAY (Maal Galinta Dekedda Berbera) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BEENTI KUFTAY (Maal Galinta Dekedda Berbera)
July 22, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo maalinki xukumada Somaliland ay shaacisay in ay u heshay Dekedda Berbera maalgalin horumarined waxa dhagaheena so gadhayey warar dhiilo ah oo meel ay salka ku hayan anad garanayn ka sidana ku odhanayo waa la yidhi!

La Kulanki Wasiir Sacad 20-07-2016

Waxaan ka mid noqday dadki nasiibka u helay in ay ka xaadiran kulan Aqoonedkii iyo Doodi maanta dhacday ee dhex martay Wasiir sacad iyo in ka mid ah labeenta iyo haldoorka Gobolka Saaxil.

Kulanka wixii iga baxay waa kuwan:-

XAALADA DEKEDDA BERBERA

Sidaynu ka wada war qabno Dekedda Berberi waxay ku jirta dekedda ugu sumcada iyo magaca wayn marka laga hadlayo dekedda dhaca gacanka carabta ama bada cas.

Waxay tartan kula jirta dekedaha dhaca Geeska Afrika sida wadamada Jabuti, Somaliya iyo Kenya.

Dekedda Berberi may helin 30 sano in ka badan wax horumarin ah oo sahli kara in ay la janqaado aduunka casriga gaadhay si ay ugu adeegto Maraakibta wakhtigan aduunka jooga oo ka duwan kuwi marki la dhisay adeegi jiray.

Dekeddaha tartanka kula jira ee dhaca geeska afrika waxay iyagu nasiib u helen in ay helan horumarin jogto ah oo la jaanqaadaysa habka casriga ah ee wax loo raro lona dajiyo iyado la adeegsanayo hab Technologyiyad ah

Habka technologiyada ah Dekeddena dhisan hada ee aynu isticmaalna ma qaadi karto oo loma dhisin.

DEKEDDENU MAXAY U BAAHAN TAHAY??

Si ay u sii jirto magaca iyo sumcada dekedda Berberi waa in ay hesha balaadhin suurto galisa in laga hir galiyo wixi fududayn kara habka casriga ah ee dajinta iyo rarida shixnadaha dhex maraya dekedda.

SOMALILAND AHAAN MA BALAADHSAN KARNAA DEKEDDEENA??

Sida xaqiiqda ah ma helno dakhli ka badan ka aynu ku bixino mushaharada shaqaalaha dowlada iyo ciidamada qaranka.

Ma haysano ictiraaf inoo ogolaanaya in aynu u amaah tagno Baan caalami ah oo inoo dhisa dekeddena isla mar ahaanta ma jirto deeq wadan ina siin kara oo ku filan dhisida dekedda aynu rabno

SIDAYNU KU DHISNAA DEKEDDEENA??

Si aynu u horumarino dekeddeena waa in aynu helna shirkadaha maalgashada Dekeddaha ee ka howl gala maamulka dekeddaha,

Tasi waxay sababtay sidu wasiir sacad sheegay in 7 shirkadood la la galo beec ti ugu qiimaha ficnayda ay noqotay DP WORLD

WAA AYO DP WORLD?

Waa shirkad ka mid ah kuwa ugu magaca wayn koownkan aynku ku noolnay ee ka shaqeeya maamulka dekedaha waxayna gacanta ku haysa 77 Dekaddo oo dhaca dhamaan qarada addunka ku yaala.

DP WORLD MAXAY QABANAYSAA?

Shirkada Dp world waxay ino suurto galinaysa helida deked u diyaar ah dhamaan nooc kasto Markab ah cabirkasta iyo quwad kasto oo u leeyey waxayna dhigaysa qalabka surto galka ka dhigaya in loo adeego markabka nooc kastu yahay.

Shirkada Dp world waxay ino surto galinaysa in aynu helno suuq iyo wadamo isticmaala adeega dekedda Berbera oo uu kor u kaco shaqo abuurka iyo dakhliguba.

DP WORLD MAXAY INOOGA SHAQAYNAYSAA?

Howlaha ka socda dekedda Berberi waa saddex nooc

  1. Howlaha cashuuraha oo u qabto kastamku
  2. Howlaha maraakibta oo ay qabato dekeddu
  3. Howlaha adeega Rarida iyo so Dejinta oo ay qabato dekeddu

Dp world waxay la wareegaysa oo qudha HOWLAHA ADEEGA RARIDA IYO SOO DEJINTA mudada lala heshiyey iyado qaadanaysa wixi ka so baxa 65%

SHAQAALIHI HORE MIYAA LA ERYAYAA??

Sidu wasiirku sheegay inta ku jirta diwaanka shaqaalaha ee dekedda Berbera oo ah 850 oo ah inta ka shaqaysa qaybaha so dajinta iyo raridu way joogayan lamana eryayo kuwa ka shaqeeya qaybaha kalena maba quseeyo heshiishku oo sidooday u joogayan

DEEGAANKA MAXAA UGU JIRA??

Dhariba ninku u dhow ba laf kala baxa dekedduna waxay ku taala deegaan ay dad ilbax ahi ku noolyihiin waxaanu wasiirku sheegay in si toos ah iyo si dadbanba dadka degankasi ay u heli doonan waxa faa’ido ah ee ka so kordha

Waxa Iyana meesha ku jirta kaabida arimaha bulshada oo ah mid qasab ah

GUNAANAD IYO WIXII IGA SOO BAXAY

Aniga iyo inti joogtay waxaanu aad ula dhacnay warka iyo busharada u wasiir sacad no sheegay waxana meesha ka baxday Beenti suuqa iyo gidaarada laga so abaabulayey ee aanad helayn marjac iyo xidid ay leeday toona.

Wixi afmiisharka iyo been waduhu sheegi jiray oo runti ka daba timi dadka madasha fadhiyeyna way aamineen mar hadi marki horeba wax ma oge ay ka qaaten maxa u diidan in ninka ugu dhow howshan isna la Rumaysto

W/Q Eng Muhyadean Yousuf Ibrahim

Hargeisa Somaliland

Contact: 4464721

COMMENTS
LINKS