Barnaamij Waji-Kumacaash ah Oo Uu soo Abaabulay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse-Biixi Oo Lagu Kala Yaacey Kadib Markii Madasha La keenay Suldaankii Uu Dhawaan Sameystay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barnaamij Waji-Kumacaash ah Oo Uu soo Abaabulay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse-Biixi Oo Lagu Kala Yaacey Kadib Markii Madasha La keenay Suldaankii Uu Dhawaan Sameystay.
July 3, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Barnaamij Waji Kumacaash ah oo lagu soo ururiyay Salaadiyiin iyo odoyaal faro badan oo kamida  beelaha Sacad Muuse ah islamarkaana, uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi  lahaa Abaabulkeeda taasi oo sida wararku sheegayaa   uu iskaga maydhayo dareen Shaki  leh oo ay Xukuumadu ka qabtey in uu kasoo horjeedo Wareejinta Heshiiska Dekedda Berbera taas, oo lagu kala  yaacey Munaasibadii uu ku qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa Caawa Afurkii kadib markii uu madasha soo galey Suldaankii uu dhawaan sameystey ee Maxamed-Case,waxaana gabi ahaanba sidaasi  ku fashilmay Barnaamijkaasi Waji-Kumacaashka ah oo laga  shaqaynayay habeenadii u dambeeyay .

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo lagu casuumay Huteelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa ayaa, udirey Burburka Barnaamijkaasi Waji-Kumacaashka ah Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), si uu arimaha uga daba tago haseyeeshee, waxaa iyagu   jaanta wadhey guud ahaanba Xubnihii loo soo ururiyay Waji-kumacaashka

Waxaanu Muuse Biixi ka sheegay Xaflada uu kaga qeyb galey Huteelka hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa in aan Dekedda Berbera cidi laheyn islamarkaana aaney horjoogsan karin, Koox,Qabiil, iyo cid kale midna

dhanka kale maayarka caasimada haragaysa ayaa isagu mudooyinkii u danbeeyay shaqadii bulshada uu u hayay kaga mashquulay uruinta odoyaashan iyo guri uu ka kireeyay magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada 150kan taasi oo sida lasheegay uu uga wakiil yahay gudoomiye muuse biixi oo isagu fara badhan ka jooga badi madaxdhaqameedka beelaha uu kasoo jeedo;

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS