Adaabta Maalinta Ciida. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Adaabta Maalinta Ciida.
July 6, 2016 - Written by Wariye:

Majuusintu waxay leeyihiin ciidahooga u khaaska ah oo ay ka mid tahay Mahrajaan iyo ciida Nayruuska Iyo kuwa kale, baadiniyadu waxay leeyihin ciidahooga

Ciidu waa magac shay soo noqnoqda oo lagu celi celiyo, ciiduhu waa dareen ay leedahay umada kastaaba hadii ay tahay umad kitaab leh ama cida bilaa kitaab ah, ciidu waa dareen caadifadeed oo isku xidha umada, umad kastaana way jaceshahay in ay yeelato munaasabado iyo xaflado u gaar ah oo iskugu yimaadaan iyagoo ay ka muuqato farxada iyo rayn rayn.

Umadaha gaalada ah ciidahooga waxa isku xidha waxa ka mid ah bilowga sanadka, wakhtiga, ciid ku taariikhaysan dowlada la dhisay ama hogaamiye meel qabsaday IWM, waxa kaloo isku xidha munaasibada diini ah waxana ugu badan kuwa yuhuuda iyo nasaarada gaar ahaan kuwa

nasaarada ciida maalinta khamiista oo ay ku doodayaan in ay tahay maalintii Nabi Ciise (CS) macsuumada samada looga soo dejiyay iyo ciida sanadka bilowgiisa ciida shugriga, ciida wax bixinta meel kasto oo ka mid ah yurub iyo ameerica iyo dhulka kiristanka waxa lagu qabtaa xaflado hadii aanay ahayn asal ahaan kiristan kuwa muslim sheeganaya ayaa ka qaybgalaan  oo munaafaqnimo iyo jaahilnimo ay u geysay.

Majuusintu waxay leeyihiin ciidahooga u khaaska ah oo ay ka mid tahay Mahrajaan iyo ciida Nayruuska Iyo kuwa kale, baadiniyadu waxay leeyihin ciidahooga ay ka mid tahay ciid Qadiir waxay ku doodayaan in ay tahay maalintii Nabigu (CSW) Sayid Cali baycada kula galay khilaafada bayca kalena kula qalay 12ka fariiqo ee imaamyada shiicada.

Faahfaahinta ciida islaamka

Nabi (CSW) waxa uu yidhi (QOOM KASTABA WAXA UU LEEYAHAY CIID ANAGANA CIIDAYAGU WAA TAN)

Hadaba Nabigu (CSW) waxa uu si gaar ah u tilmaamay labadaan ciidood ee kala ah Ciida Fidriga iyo Ciida Adxada sababtoo ah muslimka waxa ka xaaran ah in ay gaalada shabahaan oo ay ku shabahaan wax u khaas ah gaalada hadii ay tahay cuntada iyo hadii ay tahay dharxidhashada, dabshidida iyo cibaadadaba, ciidaha gaalada maaha caruurta islaamka in ay la ciido ama ay ka muuqato qurux ka gedisan tii hore ay u lahaayeen, ciida kufaarta waa bidco xaaran ah sida ciida sanadka cusub iyo ciidaha dowaladuhu samaystaan ciidaha dhalashada, ciida shaqalaha, ciida hooyada iyo ciido kale oo badan.

Hadaba muslimiintu waxay kaliya oo ay leeyihin labad ciidood oo kaliya ciida fidriga iyo ciida adxada.

Anas (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (CSW) yimid madiina tiiyoo reer madiina laba maalmood ciyaaran (Nabigu (CSW) waxa uu ku yidh waa maxay labadaan maalmood waxayna ugu jawaabeen waxa labadaan maalmood aanu ciyaari jirnay wakhtigii jaahilnimada Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi illaahay waxa uu idinku badalay labadaan maalmood kuwa ka khayr badan maalinta adxiyada iyo maalinta fidriaga) Sunan Abi Da’uud

Labadaan ciidood waxay ka mid yihiin shacaa’irta illaahay ee inala gudboontahay in aynu kor u qaadno oo aynu garano wanaageeda oo aynu dhandhansano macnaheeda.

Waxaynu halkaan ku soo bandhigi doontaa qayb ka mid ah xikmada iyo adaabteeda waxay ka qabto shareecada islaamku labadaa ciidood.

Marka ugu horeysa Axkaamta ciida

Soonkeeda

Maalinta Ciida waxa xaaran ah in la soomo Abi saciid (RC) (in uu Nabigu (CSW) Nahiyay Soonka labadaan maalmood) Muslim

Xukunka salaada labada ciidood

Culumada badhkood waxay ku tageen in ay waajib tahay in la tukado kuwaasi waa xanifyada, Ibnu Taymiya waxa uu doortay in uu Nabigu (CSW) laasimay marnana ka tagin salaada ciida waxanu xujo ka dhigtay (U TUKO RABIGAA OO GOWRAC) salaada ciida tuko ka dibna gowrac adxiyada, Nabigu (CSW) waxa uu amray in ay dumarku ka soo baxaan guryahooga si ay uga qayb galaan salaada ciida, Culumada badhkoodna waxay yidhaadeen waa (Fardul kifaaya) waa shay hadii badh ka mid ah umadu ay la timaado inta kale laga dhaafayo, qolo kale oo sadexaadna waxay yidhaadeen waa suna la adkeeyay sidaa waxa aaminsan mad-habta maaliki iyo shaafici waxay xujo ka dhigteen xadiiskii Acraabiga waxa ka mid ahaa Illaahay in uu adoomihiisa ku waajibiyay shan salaadood.

Qofka muslimka ah waxa la gudboon in uu ku dadaalo siduu uga qayb geli lahaa goobjoogana uga noqon lahaa salaada ciida isagoo raacaya qowlka sheegaya in ay waajib tahay salaada ciidu waxana kaaga filan goobjoogeeda waxa khayr iyo barako iyo ajar wayn ku jira waxa kaaga filan kudayshada Rasuulka (CSW).

Shuruudaha ay ku saxmayso iyo wakhtiga ay waajibayso

Waxay ay shuruud uga dhigeen culumada badhkood (Xanafiya iyo Xambaliya) in ay waajib tahay salaada ciiduhu in ay ahaato jamac badhkoodna waxay yidhaadeen waxa shuruudeedu la mid tahay salaada jimcaha marka laga reebo khudbada, joogitaanka khudbada ciidu maaha mid waajib ah, wakhtiga la tukanayo culumada badankoogu waxay isku raaceen in ay tahay xiliga cadceedu gaadho ilaa waran in la taago in leeg aragtida qofka.

Sifada Salaada Ciida

Cumar waxa uu yidhi Salaada Ciida Adxada waa laba ragcadood laba ragcadood oo dhamaystirin oo lahayn gaabin sida aan ka maqlay carabkii Rasuulka, waxa hoogay qofkii been ka sheega Rasuulka (CSW)

Abi Siciid (RC) waxa laga soo weriyay in uu Rasuulku lahaa marka uu u soo baxo ciida adxiyada iyo ciida fidriga waxa ugu horeya ee uu qabtaa waxa uu ahaa SALAADA

Takbiirta Ragcada ugu horeysa ee ciida waa Todoba ka tanbena waa shan qiraa’aduna way ka danbeysaa labadoodaba

Caa’isha (RC) waxa laga soo weriyay Takbiirta Ciida fidriga iyo Adxiyadu ragcada hore waa todoba ta danbena waa shan waana isku mid  tagbiiraha iyo rakuucdu

Hadii uu garto (Mamuumku) ka la tukinayaa imaamku in uu laba tagbiirood akhriyay oo saayid ah isna waa uu akhriyi karaa isagoo la akhrinaya iimaamka waana uu ka tagi karaa waayo waa sune, waxa la odhanayo inta labada takbiirood u dhaxaysa, Xamaad binu Salma ayaa ka soo weriyay Waliid binu Cuqba in uu ugu soo galay masaajidka ibnu mascuud iyo xudayfa iyo abu muuse wuxuu yidhi waliid waxa soo gashay ciidiye maxaynu samaynaa wuxuu ku yidhi Ibnu mascuud waxa aad tiraahdaa ALAAHU AKBAR illaahayna ku mahadi oo isaga amaan Nabiguna ku Sali illaahayna bari, dabadeedna wuu takbiirsaday waxanu akhriyay takbiir illaahayna wuu ku xamdiyay waanu amaanay Nabigu waa uu ku saliyay Waxa weriyay Dabarani

Quraanka la akhrinayo salaada ciida

Waxa la jeclaystay in iimaamku akhriyo salaad ciid suratulQAAF  iyoIQTARIBsidoo kale wax ku sugan saxeexayka in Cumar Binu Khadaab RC waydiiyay abaa waaqib muxuu Rasuulku akhriyi jiray adxiyada iyo ciida fidriga? Waxa uu akhriyi jiray maalinta ciida ah Sabixisma iyo Suuratul Qaashiiya sidoo kale waxa uu labadaan suuradood sheegaya xadiisyo badan in uu akhriyi jiray maalinta jimcaha Nabigu (CSW) maalinta jimcaha iyo ciida

Salaada waxa ka danbaysa khudbad

Xigmada ciida waxa ka mid ah in ay salaada ka danbayso khudbadi sida ku sugan musnidka axmed xadiis uu warinayo ibnu cabaas Nabigu (CSW) waxa uu tukaday khudbadii ka hor dabadeedna waa uu khudbadeeyay sidoo kale xadiis saxeexenka ku sugan ayaa ina tusaya in ay khudbadu ka danbayso salaada Xadiis uu werinayo Ibnu Siciid (RC) Nabigu (CSW) waxa uu ahaa kii baxa maalinta Ciidul fidriga iyo ciidul adxada meesha lagu tukanaayo, waxa uu ugu hor bilaabana waxa uu ahaa salaada wuu soo qaabili jiray waxanu soo istaagi jiray meel dadka ka soo horjeeda dadka oo fadhiya safafkooga wuuna wacdiyi jiray wuuna la dardaarmi jiray waxna wuu amri jiray, Nabigu (CSW) hadii uu doonayo in uu go”aamo fuliyo goobtaa ayuu uga dhawaaqi jiray

Abu siciid waxa uu yidhi dadku sidaa ayay mudo ahaayeen ilaa uu soo baxay Marwaan ninkaas oo ahaa amiirkii magalada, ciidi udxada iyo ciidi fidriga markii aanu nimi waxanu aragnay mimbar la dhisay Sababtoo ah dadka tukanayay oo faro badnaa dabadeedna waxa uu fuulay mimbarkii isagoo doonaya in uu khudbadeeyo waana uu kudbadeeyay salaadi ka hor, waxana aan ku idhi illaahaybaan ku dhaartee diinti ayaad badashay wuxuuna igu yidhi abu siciidow way tageen wixii aad baratay waxa aan ku idhi waxa aan ogahay ayaa ka khayr badan waxanu yidhi  dadku ma fadhiisanayaa salaada ka dib dabadeedna sidaa daraadeed ayaan uga yeelay in aan salaadka ka horeysiyo khudbada

Iskaga tagida khudbada qofkii doona

C/laahi binu Saa’ib (RC) waxa laga soo weriyay in uu yidhi Nabiga(CSW) ayaan ciid aan la tukaday markuu salaadii ciida dhameyayNabigu (CSW) waxa uu yidhi Nabigu (CSW) anagu waan khudbadeen doonaqofkii doona khudbada ha fadhiisto qofkii kalena ha iska tago. Waxa weriyay Qaliil safxada 96/3

Iyadoolagu xeel dheeran dib u dhigida salaada

Waxa uu soo saaray C/laahi Binu Bashiir (RC) waxa uu yidhi waxa aan la tukaday Nabigu (CSW) isagoo dad tukinaya ciidu fidri iyo ciidu adxa Nabiguna (CSW) waa uu diiday in dib imaamku u dhigo salaada waxana uu yidhi waxanu firaaqo haysanay saacad aanu tasbiixda aanu ku wadno Waxa weriyay Bukhaari

Malagu sunaysan karaa meesha lagu tukanayo?

Suna malaha salaada ciidu ka hore iyo ka diba sida uu werinayo ibnu cabaas (RC) Nabiga ayaa soo baxay maalin ciida ah waxa uu tukaday laba ragcadood wax salaad ah kamuu horeysin kamanuu danbaysiin xadiiskani waxa uu ku jiraa sunan abu daa’ud 1159, hadii ay salaadu tahay meel lagu tukanayo oo banaan ama meel danguud ah ma salaad lagu tukado masaajidka, maalinta ciida qofku waxa uu tukan karaa hadii ay tahay masaajid tahay labadii ragcadood ee taxiyadul masjid hadii ay meel banaan tahayna oo aan ahayn masaajid waa uu iska fadhiisanayaa ilaa inta salaada loo kacayo

Marka iyadoo la sooman yahay la ogaado in ay tahay ciid

Cumar binu Anis (RC) waxa uu ka soo weriyay kuwa ka mid ah ansaarta in ay yidhaadeen waxa naga qarsoontay bishii shubaal waanu soonayna waxana maalintii danbe noo timi qolo socota ah Waxayna Nabiga (CSW) agtiisa ka qireen in ay shalay bishii arkeen Nabiguna (CSW) waxa uu dadkii amray in maalintii soonka la jabiyo oo ay berina iidaan

Ka soo qayb gelida dumarka iyo salaada ciida

Xafsa (RC) waxa laga soo weriyay In ay tiri waanu  u diidi jirnay hablaha waxana noo timi gabadh ku soo degtay reer binu khalaf waxayna ka warantay walaasheed ninka walaasheed qabaa waxa uu Nabigu (CSW) la galay 12 dagaal, walaashayna way bukootay waxana siinaynay dowooyin walaashay waxay waydiisay Nabiga (CSW) miyay hagaagsan tahay in ay soo baxdo maalinta ciida iyadoo jilbaab lahayn Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi way xidhanaysa wayna kala qayb gelaysaa muslimiinta khayrka iyo dacwada, markii ay timid umu cadiya ayay waydiisay miyaad adigu ka maqashay rasuulka waxay tidhi haa waxaan ka maqlay inuu yidhi way imanayaan hablaha qaan gaadhka ah iyo kuwa guryaha aan soo dhaafi jirinba iyo kuwa xayd  lehba waxaynamuslimiinta kala qaybqaadanayaan khayrka iyo dacwada laakiin salaada ma tukanaan kuwa xaydka lihi

Ninku waa inaanu salaad marku tegayo waa in uu dumarka sii anba bixiyaa iyagoo aad u asturan ilayn masuul ayuu ka yahaye oo isagaa lagala xisaabtamayaa dumarku waxay salaada tegayaan iyagoo asturan oon ahay (mutabarijaat) kuwo quruxdooda iyo jidhkoodu ay muuqdaan oo udgoon iyo cadar ka soo ka soo kan kamayo dumarka xaydka lihi masaajidka ma gelayaan iyo meesha lagu tukayoba waxaa suuro gal ah in ay ka eegan gaadhi gudihii oo kale ama meel taag ah si ay u maqlaan khudbada

Aadaabta ciida

Adaabta ciida waxaa ka mid ah in lameedho in taan salaada loo bixin ka hor kii habeenkii ciida dumarkiisa la kulmay kii kaleba C/laahi binu cumar wuxuu haa kii maydha maalinta fidriga in taanu tegin meesha lagu tukanaayo sidoo kale waxaa Saciid ibnu Jubeer waxaa ka ansaxay in uu yidhi sunaha Ciidu waa sadex waa Socodka Maydhiga iyo intaan ciid loo bixin oo wax la cuno kaasi waa hadalkii siciid binu jubeer waxaaba laga yaabaa in uu saxaabadii qaar ka mid ah kasoo qaatay hadalkaa. sidoo kale wuxuu sheegay Imaam Nawawi raximahu laah culimadu in ay isku waafaqeen in la jeclaystay in lamaydho maalinta ciida waal jeclaystay waxaa loola jeedaa in lamaydho maalinta jimcaha iyo wixii lamid ah ee kulanka guud kun jiraan labadan ciidood haba ugu weynaadaane

In wax la cuna intaan la bixin ka hor

Waxa sunne ah qofku in uu sii cuno intaanu gurigiisa ka bixin maalinta Ciidul Fidriga ah Timir tiro kara dhiman ah sida 3ama 5 ama wax ka badan laakiin waxa uu ku koobsan tiro kala dhiman.

Anis Binu Maalik illaahay ha ka raali noqdee waxa uu yidhi; (Waxa uu ahaa Nabigii illaahay (CSW) mid aan kalahin maalinta Fidriga ilaa uu sii cuno Timir waxana uu u cuni jiray tiro kala dhiman) Waxa Weriyay Xadiiskan Axmed iyo Bukhaari.

Sida loogu dhawaaqayo kalmadahaasi waa sidan; (Allaahu Akbar Allaahu Akbar Laa ilaah Walaahu Akbar Allaahu Akbar Walilaahi Xamdu), waxana la suneeyay raga in ay ku dhawaaqan Masaajidada, Suuqyada iyo Guryaha, ku dhawaaqid weyn iyadoo illaahay la weynaynayo lana muujinayo adoonimada iyo cibaadasiisa looguna mahadnaqayo nimcooyinkiisa faraha badan, dumarku hoos ayay u dhigayaan maxaa yeelay iyaga waxa la amray in ay hoos u dhigaan codkooga, alle maxaa ka qurux badan dadkii oo illaahay (SW) weyneynaya iyagoo meel kasta jooga marka ay bisha ramadaan dhamaato, jihooyinka oo dhan waxa laga buuxinayaa Tagbiir, Taxmiid iyo Tahliil iyadoo illaahay laga rajaynayo naxariis lagana baqayo cadaabtiisa, illaahay (SW) sidoo kale waxa uu sharciyeeyay salaada ciida iyadoo la Tukanayo Maalinta Ciida, tukashadaasina waa iyadoo cibaada illaahay la sii dhamaystirayo.

COMMENTS
LINKS