Yuusuf Garaad Cumar Oo Loo Magacaabay Danjiraha Somaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yuusuf Garaad Cumar Oo Loo Magacaabay Danjiraha Somaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay
June 8, 2016 - Written by Editor:

(WN-Muqdisho)-Dawlada Somaliya ayaa Yuusuf Garaad Cumar u magacawday danjiraha u qaabilsan qaramada midoobay.

Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa musharaxintii sanadkii 2012-kii isku soo taagay jagada madaxweyne ee dalka Somaliya balse wuu ku guul daraystay, waxaanu haatan ahaa la taliyaha madaxweynaha somaliya ee arimaha saxaafada.Sida uu xaqiiyey Yuusuf Garaad Cumar, dawlada somaliya ayaa u garatay inay u magacawdo danjiraha u qaabilsan qaramada midoobay isaga oo badali doona danjire Dr. Cilmi Ducaale oo in ka badan 10 sanadood somaliya safiir uga ahaa qaramada midoobay.

Danjiraha cusub ee somaliya u fadhiyi doona qaramada midoobay ayaa taariikh dheer ku leh warbaahinta somaliya, waxaanu lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa mudadii uu maamulayey laanta afka Somaaliga ee BBC-da.

 

COMMENTS
LINKS