|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadani Waa Arday Saaqid ah Oo Aan Waxba ka Baranin Casharadii Taliskii Siyaad Barre.Muj Cali Guray,
June 11, 2016 - Written by Editor:Hadal Hadal Baa ka furan Ee Xadhigu Waa Gef. Xadhig iyo xabad xaq miyaa? Xeer miyaa? Ma idiin xalaal baa?. Xukuumadani waa arday saaqid ah oo aan waxba ka baranin casharadii Taliskii Siyaad Barre. Hadii Taliskaa cashar keliya laga bartay wuxu noqon lahaa ” XADHIG IYO XABAD MIDNA LAGUMA DEGDEGO WAAYO XAL MAAHA”. Arin hadal jooga oo hadal loo hayo waxa xadhig keenaa waa aqoongaabnimo uun. Mashruucan Dekedda dad badan baa ka hadlay oo qaar ay gaadheen in ay ku tilmaamaan inu yahay arin xaaraan ah. Anigu waan ka hadlay oo waxan uga hadlay si ka duwan sida ay dhalinyarta la xidhxidhay uga hadleen oo waxan ku tilmaamay fursad qaali ah hadii siduu yahay looga midho dhalin karo marka la gaadho wejigiisa fulinta. Dadku mashruucan waxay u kala arkaan siyaabo kala duwan lakiin aragti dembi ahi ma jirto. Hadaba waxa la is waydiinayaa maxaa lagu xidhxidhay shanta dhalin yarada ah ee dhamaantood ka soo wada jeeda reerka keliya? Yaase ka dambeeya xadhigooda? Sua’aasha hore cid ka jawaabta lama hayo xataa Bilayska gacanta ku haya ayaa garan la’ oo aan ilaa hadda waxba ka sheegin sababta xadhigooda iyo dembiga lagu soo eedeeyay. Waxa ka sii yaab badan cid dembi ku soo oogtay oo daba socotaana ma jirto markii aan u kuur galay jawaab aan mooyi iyo garan maayno ahaynna lagama hayo Bilayska. Markaa saw cid baa qaniintay uun maaha. Anigu ha la soo daayo odhan maayo ee waxan leeyahay cadaalad inay helaan xaq bay u leeyihiin. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|