Xukuumad Aan Dhaliilaha Mucaaridkeeda u Adkaysan karin Tabashooyinka Dadkeedana Aan Hadal ku Qancin karin Waa u Caado Inay Xadhig Iyo Xabad Miciinsato; Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumad Aan Dhaliilaha Mucaaridkeeda u Adkaysan karin Tabashooyinka Dadkeedana Aan Hadal ku Qancin karin Waa u Caado Inay Xadhig Iyo Xabad Miciinsato; Muj Cali Guray.
June 25, 2016 - Written by Editor:

Gudoomiyaha sedexaad ee xisbiga Ucid Muj Cali Guray Ayaa Si adag uga hadalay xadhiga sharci darada ah ee xukuumada siilaanyo kua kacday gudoomiyihii xisbiga ucid ee gobolka saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin

muj cali ayaa qoraal kooban oo uu arimaasi kaga hadlayo wuxu oo dhugay barta uu ku leeyahay facebookga Wuxuna U dhignaa Sidan

Xukuumad aan dhaliilaha mucaaridkeeda u adkaysan karin tabashooyinka dadkeedana aan hadal ku qancin karin waa u caado inay xadhig iyo xabad miciinsato iyada oo awoodii dawladnimada si qaldan u adeegsanaysa waayo awood iyo karti uma laha inay iska difaacdo ama xamili karto.

Ama gar ha noqdo ama gardarro eh hadal hadal baa ka furan. Anigu ma ogi sababta lagu xidhay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka-UCID. Haduu run yahay xadhiga Roda Axmedyasiin waxan hubaa in aan lagu xidhin dembi ay faraha kula jirtay balse kolay hadal ay tidhi uun laga raacay,

Bilaysku marka ay qof masuul ah oo xil u haya xisbi mucaarid ah xidhaan marka sharciga la raacayo waa in sababta loo xidhay iyo sharciga markiiba ay sheegaan si loo garan karo sharcinimada xadhiga masuulka ay xidheen. Lakiin waynu ognahay oo inta badan ma dhacdo waayo sifaha wax lagu xidho ayaan inta badan sharcigaba waafaqsanayn waanay ogyihiin lakiin cid aanay sheegi karin diidina karin ayaa ku amarta inay fuliyaan sharci darro xadgudub ku ah muwaadin xuquuqdiisa uu Dastuurku u damaanad qaaday.Ilaa iyo hadda warka xadhigga Gudoomiyaha UCID ee gobolka Saaxil si rasmi ah dhinaca xisbiga loogama xaqiijin balse warbaahinta maxaliga ah qaarkood ayaa sheegay run ahaa been ahaa mooyi laakiin beryahan warbaahinta Somaliland looga qaateenku wuu ku yaryahay.

 

COMMENTS
LINKS