|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubno Ciidamadda Somaliland Ku Xidheen Hargeisa oo Baasaboorka Somalia ku samayn jiray Caasimadda Oo fashiliyey Xidhiidh Hoose Ee ka Dhaxeeya Warancade Iyo Gaafow
June 6, 2016 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) – Xubno ay ciidanka amaanka Somaliland gacanta ku dhigeen todobaadkii hore ayaa daboolka ka qaaday xidhiidh hoose oo ka dhexeeya Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Warancade Iyo Taliyaha laanta socdaalka Somalia Cabdilaahi Gaafoow, kuwaas oo sheegay inuu wax ka ogaa Mr Warancade xafiiskaas laanta socdaalka Somalia sida qarsoodiga ah ugu lahaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeisa. Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi xubnahan loo xidhxidhay falkaas qaranka Somaliland dhabar-jabka ku ah ayaa maalmihii u danbeeyey iyaga iyo qalabkoodiiba ku xidhnaayeen xarunta CID-da ee magaaladda Hargeisa, kuwaas oo wax lagaga waydiinayo arrimo badan. Xogaha Haatuf helay ayaa intaas ku daray in xafiiskankan laanta socdaalka Somalia uga furnaa Hargeisa inuu dadka faraha wixii information ah lagaga qaadi jiray Hargeisa isla markaana data-dooda loo diri jiray magaaladda Muqdisho oo loogu soo daabici jiray baasabooradda Somalia.
Sidoo kale arrimahan ayaa noqonaya khiyaamo qaran oo uu ku talaabsaday mid ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan Somaliland, isla markaana noqonaysa khiyaamo qaran. xigasho Haatuf,net
Related posts:DAAWO;Cali Maxamed Geedi Oo Dafiray In Xasuuq Loogaystay Bulshada Somaliland, Afxumana Kula Kacay Ha... Macallinkii Medrasaddii Maadda Iyo Murtida:Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 19... Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Labada Gole Uga Waramo Kulankii Uu Addis Ababa Kula Yeeshay Madax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|