Xisaabiyihii Guud Ee Hore Oo Bulsho Waynta S/land Si Cilmiyaysan Ugu Iftiimiyay Masuulka Waayo Araga Ah Ee Qaranka Hogaamin Kara. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisaabiyihii Guud Ee Hore Oo Bulsho Waynta S/land Si Cilmiyaysan Ugu Iftiimiyay Masuulka Waayo Araga Ah Ee Qaranka Hogaamin Kara.
June 30, 2016 - Written by Editor:

Guushu Maaha SHaqooyin Kala Duwan Oo La Qabto Ee Waa SHaqooyin Isku Mida Oo La Wanaajo . Hadii Laga Sheego Qofka Madaxda Ah Waxaan Jirin Oo Been Ah Waxay Ka Dhigan Tahay In La Amaanay Oo Kale Xikmada Xeel Dheerayaasha Cilmi Nafsiga Qoraaga Buuga ( Waad Guulaysan Kartaa , Shef khera )

Xisaaiyihii Guud Ee U Horeeyay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ibraahin Aadan Qaalib

Shaki kuma jiro in ay dadka qaarkii shaqo ka dhigteen waxka sheega Masuuliyiinta Xilka Qaranka Umada u haysa iyagoo maalinba Masuulka Mansabka haya Ceebeeya oo Canbaareeya , Shaqsiyaadkan waxay Aqoonyahanka ku xeel dheer Cilmi Nafsigu ku tilmaamaan kuwo Maalinta Jawiga Cimiladu Qabawyahayna wax ka sheega , Maalinta Jawiga Cimiladu kululyahayna wax ka sheega waana Dad iska hadla sobobtoo ah Dhaliisha badani maaha sida ugu haboon ee Afkaarta iyo Talooyinka la isku dhaafsan karo .

Waxaana hubaala in waayo aragnimadu Aqoontaada iyo Shaqsiyadaada barto habka ugu haboon ee aad uga gudbayso Jawiga iyo Cimilada Siyaasada ee is rog roga badan ,Sidoo kale waayo aragnimadu waxay ku bartaa in aad la jaan qaado guulna ka gaadho isbadalada Saaxada Siyaasada ee hadh iyo habeenba sida Mawjadaha Bada oo kale u socda , sidoo kale Da”ada iyo waayo aragnimadu waa Laba aan kala maarmin waxayna Shaqsiyadaada iyo Aqoontaada ku kabaan Xilkasnimo iyo Qunyar Socodnimo , Daganaansho iyo Dulqaad badan, Midnimada iyo Wada jirka oo aad ka shaqayso , Kooxaysiga iyo Kala qaybinta oo aad ka dheeraato , Islawaynida oo aad ka fogaato , Milgaha ay Madaxda Laamaha kala duwan ee Dawladu kaa mudan yihiin oo Xurmadooda siiso , Weedhaha Afkaaga ka soo baxaya oo laaxinka ka ilaaliso , Iyadoo Dadka dhacdooyinka Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa Mucaarid iyo Muxaafidba ay ka marag kacayaan in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi leeyahay Dhaqanka wanaagsan ee lagu garto Siyaasiga Waayo araga ah ee Qaranka hogaamin kara .

maxamuud xaashi cabdi

Iyadoo Indheer garadka arimaha Siyaasada u kuur galaa ay ka marag kacayaan in Isbadalo la taaban karo laga arkayo Mudo Sideed Bilood ah uu Xillka hayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana mudadan uu Xilka hayay Dalku galay Jawi Siyaasadeed oo dagan iyadoo wada tashi iyo isku soo dhawaansho hor leh uu ka dhex Abuuray hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo DHamaan Laamaha Dawlada ee wada shaqayntu ka dhaxayso .

Sidoo kale Siyaasiga socod baradka ah waxaa ku adkaata in uu la jaan qaado una dhabar adaygo isbadalada Saaxada Siyaasada ee hadh iyo habeenba sida mawjadaha bada oo kale u socda waxaana lagu gartaa Dag dag iyo Caadifad badan ,Samirka iyo Dulqaadka oo ku yaraada ,Midnimada iyo Isku duubnida oo aanu ka shaqaynin , Kooxaysiga oo Xeelad iyo Xoolaba uu ku bixiyo , Milgaha ay Madaxda Laamaha Dawladu ka mudan yihiin oo aanu Xurmadooda siinin , Jawaabo dag dag ah iyo Weedhaha afkiisa ka soo baxaya oo laaxinku ku badan yahay , Iyadoo laga dheehan karo dabeecadaha lagu garto Siyaasiga socod baradka ah Isbadalka Siyaasadeed ee laga arkayo Wasaarada Madaxtooyada anigoo Masuulkii hore u soo gudbin doona Talooyin Aqoonyahanka iyo Xeeldheerayaashu ka qoreen Cilmi Nafsiga .

1: Dhaliisha Runta ah marka aad aqbasho waxay hubka ka dhigtaa Dadka kaa soo horjeeda

2: Ha noqon mid is difaaca hadh iyo habeen

3: Ninkii aqbali waaya wixii ka qaldamay Masuuliyadiisa kaga leexan mayso dhaliishaasi

4: Aragtidaada ku adkow balse markaad sheegayso si dagan u sheeg

5: Ninka madaxda ahi waa inuu fishaa in la dhaliilo

6: Dhaliishuna waxay saacidaa Qofka tilmaan u qaata

7: Dadkii Aduunka ugu xigmada iyo Aqoonta badnaa waa la dhaliili jiray

8: Hadii lagaa sheego waxaan jirin oo been ah waxay ka dhigan tahay in lagu Amaanay oo kale

9: Marka kaliya ee aan waxba lagaa sheegaynin waa marka aanad waxba ahayn

10: Qaado go”aanka adag laakiin ha qaadan go”aanka Axmaqnimada ah

11:Marka wax lagaa sheego Maskax furan ku qiimee waxna ka baro

12: Dhaliisha ka timaada Jaahilnimadu dawadeedu waa in aad ka hor keento Xaqiiqooyin

13: Guul daradu waa dariiqa loo maro guusha

Ugu danbayn waxaa hubaala Guul kasta oo la gaadho waxaa wada qabtay Dad badan anigoo u rajaynaya Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi in uu guulo la taaban karo ku talaabsan doono inta karaankiisa ah .

Qoraa; Xisaabiyihii Guud Ee Hore Ibraahin Aadan Qaalib

4500515

COMMENTS
LINKS