|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Xukuumada Somaliland ku Eedeeyay In Ay Gacan ku Leedahay Xadhiga Wariyihii Horn Cable Ee Magaalada Gabiley Oo ku Xidhan Jig Jiga,
June 22, 2016 - Written by Editor:“Arimaha noocaasina Waa kuwo ay Caadaysatay Xukuumada siilaanyo waayo waxaynu ogayn muwaadiniin hore oo xukuumada siilaanyo u gacan Galisay Dalal Shisheeyo oo Sidii ku Nafwaayay”, XIL Tukaale
HARGAYSA(Wajaalenews) Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada somaliland Ee xisbiga Wadani ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhiga wariyihii horn cable tv oo dhawaan laga xidhay magaalada tog wajaale isla xiligana ku xidhan xabsi kuyaala magaalada jigjiga ee caasimada mamulka dawlad deegaanka somalida itoobiya, Hadaba xildhibaan Tukaale oo Arimaasi ka hadlayaana Wuxu yidhi, ‘Waxaan xukuumada somaliland u sheegayaa in ay iyadu masuul ka tahay ilaalinta xuduudaha iyo in ay ogaadaan xaalka muwaadiniinta reer somaliland ku sugan yihiin, waayo madaxwaynuhu wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta xuduudaha dalka iyo muwaadiniinta somaliland. ;waxaanu ilaa imika ogaanay in xukuumada somaliland u gacan galisay muwaadinkaasi dal shisheeye taasina waa mid ka baxsan soomaalilandnimada. Arimaha noocaasina waa kuwo ay caadaysatay xukuumada siilaanyo waayo waxaynu ogayn muwaadiniin hore oo xukuumada siilaanyo u gacan galisay dalal shisheeyo oo sidii ku nafwaayay, Mudoharaadka gabileyna waxaa sobobay kadib markii ay waayeen xukuumadii dalka u xilsaarnayd waxaan shacabka somaliland u sheegayaa in xukuumadii dalka loo doortay ku mashquushay dilaalista Dekeda Berbera, Sidoo kale xildhibaan tukaale ayaa fariin udiray laba shacab ee somaliland iyo dawlad deegaanka somalida etoobiya ‘Waxaan laba shacab ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan nabadgalyada iyo daris wanaaga ka dhaxeeya waayo waxaynu nahay dad dal iyo deegaan ka dhexeeyo .Wixii mid ka xumaadaana uu ka kalana ka xumaanyo. Ugu danbayn waxaan si ixtiraam iyo maamuus ku dheehan tahay madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida Etoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uga codsanayaa in uu amro sidaynta wariye mukhtaar nuux ibraahim, WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Shirkada Telesom Oo Kaalin Sare Ka Gashay Daraasad Heerka Qiimayn Macmiilka Oo Ay Samaysay Jaamacad ... “Hadaynaan Dalkeena Waxkala Soo Bixin oo Aynaan Waxaa Dalkeena Ka Soo Baxa Isticmaalin Doolarka Hoos... DAAWO; Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Warbixiyey Kulamo Ay La Qaateey Maayirka Caasimada Iyo Tal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|