Wax ka Baro Taariikhda Saxaabiga Weyn Ee Khaalid Ibnu Waliid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax ka Baro Taariikhda Saxaabiga Weyn Ee Khaalid Ibnu Waliid
June 9, 2016 - Written by Editor:

Khaalid binu waliid ibnu Muqiirah Seyfulaaah Almasluul waxa uu ka dhashay qabiilkii reer banii Makhzuum oo kamid ah qabiiladii ugu waaweynaa jasiiradda carabta iyo magaalada Makah, reer banii Makhzuum oo ah qabiilka uu ka dhashay Khaalid ayaa meel sare iyo sharaf ku dhex lahaa qureysh xilligii jaahiliyada.

Qabiilkaas reer banii Makhzuum waxaa ka dhashay rag badan oo kamid ahaa dadkii ku horeeyay Islaamnimada sida Abuu Salama binu cabdul-asad iyo Arqam ibnul Arqam o gurigiisa uu ahaa masajidkii ugu horeeyay ee islaamka iyo madarasadii ugu horeysay ee lagu bartay diinta Islaamka markii Nabiga NINKH lasoo saaray.

Qoyska Khaalid binu waliid ayaa iyagana ahaa dad sharaf sumcad iyo maamuus ku dhex laha qabiilkaasi weyn, adeerkiis ayaa ahaa Abuu Umeyah ibnul Muqiirah oo ah nin ku caan baxay xikmadda iyo gar goynta, waana ninki Qureysh oo ku dhow in ay is disho kadib markii la isku qabsaday cidii xajarul aswadka booskiisa dhigi laheyd marki kacbada dib loo dhisay in garta loo daayo shakhsiga ugu horeeya ee kacbada soo gala gartaasi oo uu markii dambe gooyay nabiga NINKH kahor inta aan risalaada Islamka loo soo dhiibin.

Aabihiis ayaa ahaa Cabdu Shams Waliid Ibnu Muqiirah oo isagana ahaa nin magac iyo sharaf ku dhex laha qabiilkii reer banii Makhzuum iyo qureysh oo idil, waxa uuna ahaa nin xikmad badan kana mid ahaa garyaqaanada Qureysh inkastoo uu kamid ahaa ragii sida aadka ah u dhibay nabiga NINKH.

Khaalid oo kusoo bar baaray jawigaa iyo bii’adaa sharafta leh ayaa waxa uu bartay yaraantiisa farda fuulka sida caadada u aheyd caruurta qoysaska sharfta leh ee qureysh, balse Khaalid ayaa lasoo baxay fir fircooni, geesinimo iyo xirfado ka dheer mida asaagiis ah.

Khaalid binu waliid ayaa xilli hore oo noloshiisa ah kusoo baxay nin laga bartay fagarayaasha dagalka, waxa uuna ku caan baxay farda fuulka oo xiligaa ahaa gadiidka lagu dagaal tago midka ugu sareeya, waxa uuna si muran la’an ku noqday farasyahankii casriga jiray kan ugu horeeya.

Khaalid ayaa ka hor islaamidiisa kamid ahaa ragga sida aadka ah u necbaa diinta Islamka iyo nabiga NINKH shakhsi ahaan isagoo ku dadaali jiray in la cirib tiiro diinta Islamka, waxa uuna Khaalid binu Waliid ka qeyb qaatay dhaman dagaaladii dhex maray Muslimiinta iyo mushrikiintii Qureysh marka laga reebo dagaalka beder oo uu ku maqnaa cariga shaam.

Waxa uu dowrka ugu weyn ku lahaa Khaalid binu waliid jabkii ciidamada Islaamka soo gaaray dagalkii Uxud isagoo kamid ahaa Mushrikiinta Qureysh markii uu si layaqaano uga faa’ideystay fursaddii aheyd khilaafkii ay rumaadii la dhigay buurta ay khilaafeen amarkii nabiga markii ay arkeen galadii oo jabtay iyagoo usoo dagay in ay wax ka helaan qaniimadii laga helay gaalada.

Khaalid binu waliid ayaa isagoo ka faa’ideysanaaya fursadaas waxa uu gadaal kaga yimid ciidamadii Islamka oo ku dhow guusha dagaalka isagoo cagta soo mariyay ciidankii yaraa ee ku haray buurta waxa uuna guushii Islamka ee dagaalkaa u badalay guul daro xoog leh oo gaartay ciidanka Islaamka halkaa oo lagu dilay 70-saxaabi oo uu ku jiro Imaamu Shuhadaa adeerkii nabiga Xamza Binu Cabdul mudhalib, dhaawacna waxaa soo gaaray rasuulkii suubana ee Muxa’ed binu C/laahi.

Khaalid ayaa sidoo kale kamid ahaa raggii ugu firfircoona ee Madiina soo weeraray dagaalkii Axzaab ama khandaq isagoo dhowr jeer isku dayay in uu ka talaabo godkii dhufeyska ay saxaabada ugu talo galeen in ay ku difacaan magaalada madiina inkastoo dagaalka uu ku soo gaba gaboobay niyad jab xoog leh oo garay ciidankii gaalada markii ay ku guul dareysteen in ay galan magaalada Madiina.

Xudeybiyah Khaalid binu waliid ayaa hogaanka u hayay 200- oo fardayahan ah oo Qureysh ay ugu talo gashay in ay kahor tagaan dagaalna la galaan Nabiga iyo ciidankiisa oo u socday in ay soo cimreystaan inkastoo markii dambe ay arinta kusoo af jarantay heshiis dhex maray Nabiga iyo Qureysh.

Khaalid binu waliid ayaa naceybka uu Islaamka u qabay aawgii kahor islamidiisa magaalada Makah isaga baxay markii ay saxaabada rasuulka Makah soo galayeen sanadkii xigay ee xudeybiyah markii arintaa lagu heshiiyay sanad kahor isagoo diidanaa in uu arko nabi Muxa’ed iyo asxaabtiisa oo gudaha usoo galaya magaalada Makah.

Ninkii Islamka u qabay naceybka intaa la eg ayaa mar qura isku badaly geesi kamid ah geesiyaasha Islaamka, seef kamid ah seefihii sharafta iyo guulaha usoo hooyay diinta islamka ilaa markii dambe logu magac daray seeftii Alle.

Khaalid binu Waliid ayaa ku hanuunay diinta Islaamka ee sharafta leh bishii safar sanadkii 8-aad ee hijriyada lix bilood kahor fatxu Makah kuna beegneyd kahor laba bilood dagaalkii Mu’tah, waxaana islaamidiisa isaga iyo nabiga u kala dab qaaday walaalkii waliid ibnu waliid.

Naceybkii islaamka ee khaalid ayaa isku badalay jaceyl, muslimiintii ayaa ku farxay islamka Khaalid, wixii markaas ka dambeeyay Khaalid binu Waliid waxa uu kamid ahaa geesiyasha Islaamka.

Laba bilood kadib qaadashadiisa diinta Islaamka nabiga ayaa ciidamo u diray dagaalkii Mu’tah Khaalidna waxa uu kamid noqday ciidamadaasi, markii uu dagaalku bilowday ayaa la dilay sdexdii hogaan e isaga dambeysay ciidamada Islaamka ee kala ahaa Zeyd ibnu xarithah, Jacfar binu abii dhaalib iyo C/lahi binu rawaaxa waxaana hogaanka ciidanka la wareegay Khaalid binu waliid oo ay saxaabadu u doorteen.

Nabiga oo dagaalka si toos ah ugu tabinayay saxabadii Madiina ayaa afkiisa kasoo baxday waxaa raayada qaaday seef kamid ah seefaha ilaahey halkaas oo ay ugu baxday Seyfulah Almaruur.

Khaalid ayaa durbadiiba badalay khidada ay ku dagaal galayeen ciidanka isagoo kala wareejiyay ciidamada waxa uuna karto Militari dagalka kaga soo saaray ciidanka Islaamka oo aad loga tira badnaa dagaalkaa iyadoo galada ay kor u dhafayeen 300-oo kun halka ay islaamka ka ahaayeen sedex kun oo kaliya.

Khaalid ayaa hogaanka u hayay mid kamid ah afar qeybood oo uu nabiga u qeybiyay ciidankii Islaamka malintii fatxu makah waxa uuna ahaa ninki ugu horeeyay ee makah ku galay amarka nabiga, isagoo cagta mariyay koox is hortaagtay galidiisa magaalada waxa uuna gaalada 13-qof iyadoo muslimiintana ay ka shahiideen sdex qof sidaana y magaalada ku soo galeen saxaabadii uu hor kacayay nabiga NINKH dagaal la’aan.

Fatxu makah kadib Khaalid ayaa hogaanka u qabtay ciidamo dhowra oo uu nabiga u kala diray dhulalkai carabta si loo soo babi’iyo sanamyadii ay caabudi jireen Mushrikiinta waxa uuna khaalid gacantiisa ku dumiyay sanamkii ugu weyna ee qureysh ay caabudi jireen ee cuzaa oo ku yalay meeshi la oran jiray badhnu dakhlah.

Khlaid binu waliid ayaa qalad galay markii uu layay qabiilkii banii jathimah iyagoo sheegtay in ay qaaaten diinta Islamka isagoo u fasirtay sheegasgadaas in ay naftooda ku bad baadinayeen balse nabiga markii dhacda daas loo sheegay waxaa uu yiri ilaahow waxaan kaa magan galay waxa uu Khaalid sameeyay isagoo diyo ka dhiibay dadkaas la laayay.

Khaladkaas oo Khaalid binu waliid si kama ah uga dhacay kama reebin in rasuulka uu hoganka ugu dhiibo ciidamo badan oo dagaal loo diray waxa uuna kamid ahaa safka hore ee ciidankii Islamka dagaaladii Xuneyn iyo ta’if isagoo wacdaro ka dhigay dhaman dagaaladii uu galay dhawac culus ayaa soo garay Khalid dagaalkii Xuneyn oo markii dambee uu ka bogsooday.

Khaalid ayaa hogaminayay ciidamadii Islaamka ee u baxay dagaaladii banil Mustaliq, dowmatul jandal, iyo kii lala galay reer banii xarith oo dhamantood dhacay xiligii uu nabiga Noolaa NINKH.

Khaalid binu waliid ayaa gacan weyn ka geystay dagaaladii lala galay murtadiinii ka baxday diinta Islaamka markii uu nabiga geeriyooday isagoo ka takhalusay hogaano badan oo Islamka lid ku ahaa oo waqtigaa soo baxay sida ninkii nabi nimada sheegtay Museylamatul kadaab oo lagu dilay beertii xadiiqatul mowt.

Khalid binu waliid ayaa seeftiisa Islaamka ugu soo celiyay qabiilo badan oo diiday sakada iclamiyayna in ay ka baxeen diinta Islaamka waqtigii Abuu baker Sidiiq.

Seyfulaah ayaa ahaa hogaamiyihii furaha u ahaa in Islaamka in uu gacanta ku dhigo dhulaka Ciraaq, furus, Shaam iyo Ruum isagoo jiiray dhufeysyo badan oo ay adkeed in laga gudbo hase yeehsee lagu dar daray qidado caskari ah oo uu isaga handasay.

18-kii bisha Ramadaan sanadki 21-aad ee hijriyada ayuu geeriyooday geesigii weeyna ee Islaamka Khalid binu waliid markii uu sakaraatka usoo xadiray ayuu ilmeeyay oo murugooday Khaalid isagoo ka xun in uu maanta sariirtiisa ku geeriyoodo oo waxa uu jeclaa in uu ilahey la kulmo isagoo shahiid ah waxaana hadaladii ugu dambeeyay ee laga hayo kamid ahaa “waxaan joogay dagaalkaa iyo dagaalkaa waxaan xadiray macrikadaa iyo macrikadaa korkeyga meel fayow malahan oo dhamaan waxa ku yala dhaawacyo mantana waxaan ku geeriyoonayaa sariirteyda sida awrka uu u geeriyoodo.

COMMENTS
LINKS