|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirul Dawlaha Arimaha Dibada Ee Dalka Etoobiya Oo Si Adag Uga Hadlay Dhacdadii Dadka lagu laayay Ee Deegaanka Jaamac Dubad Sheegay In Maxkamad la Horgaydoono Cidii Falkaa ka Danbaysay.
June 12, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Kulankii madaxwaynaha somaliland iyo waftiga ka socday dalka etoobiya ee uu hogaaminayay wasiirul dawlaha arimah dibada etoobiya Mr Regasa Kefalewu: State Minister, Ministry of foreign Affairs Ayaa waxaa war sixaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada in madaxwayne siilaanyo waftigan ka lahadlay dhacdadii deegaanka jaamac dubad ee degmada gaashaamo taasi oo ciidamada LIYUU BOOLISKU ku laayeen dad isku jira Dumar iyo Caruur halka masuulan dawlada etoobiya u halday kaga dareen celiyay weedhan hoos u qoran,
HALKAN KA BILOW;Dhiniciisa waxa hadalkii la wareegay wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, ahna madaxa weftiga Mr Regasa Kefalewu, waxanu ka mahadceliyey soo dhawaynta balaadhan ee lagu baashiray intii ay dalka joogeen, isagoo si gaarana uga mahadnaqay madaxweynaha qaabilaada qasriga uu ku qaabiley. Waxa uu uga gudbay Madaxa weftigu faah-faahina uu ka bixiyey ujeedadad socdaalkooda, isagoo madaxweynaha u sheegay in masuuliyiinta labada dhinac ee heshiiska ka wada shaqaynayaan ay sidii la rabay u wadaan, heshiisyadaas oo isugu jira kuwo la gebegebeeyey iyo kuwo dhakhso loo gebegebayn doono.
“Waxa kale oo uu ka hadlay mashaqooyinka ka dhacay Jaamac Dubbad, isagoo uga hadlay si adag, waxaan isagoo yidhi “Madaxweyne waxa aanu ballan qaadaynaa sidaad adiguba sheegtay, in baadhis rasmi ah lagu sameeyo siday wax u dheceen, dhibaatada meesha ka dhacday, cidda ka danbaysay, ujeedada ay lahaayeen isla markaana si toosa loo horgeyn doono sharciga dambiilayaasha dilka dadkaas ku tallaabsaday”. Madaxa weftiga oo u muuqday nin aad uga xun wax ka dhacay degmada Gaashaamo iyo daandaansiga Balli-dhiigba oo hadalka arrintaa ku soo noqnoqday ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyey in aanay dawlad ahaan waxba kala hadhi doonin waxa ka qabshada falkaasi, waayo ayuu sheegay, falalka noocaasa waxay khalkhal gelinayaan amniga wanaagsan ee ay wadaagaan labada dal iyo iskaashiga ay doonayaan hadda iyo hadhawba inay yeeshaan. Related posts:Daawo Muuqaal:-Dhaam Biyoodkii Ugu Horeeyey Ee Tababaruc Lagu Dhisayo Oo Madaxweyne Siilaanyo Dhagax... Daawo:Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Meelmariyay Qabyo Qoraalka Xeerka Caru... Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Khasaaraha Ay Sababeen Shilalka Gadiidku Saddexdii Bilood Ee U Dan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|