Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dalka kusoo Guryo Noqday Iyo kooxda Muuse Biixi oo ay ku Beenowday Inuu La Socdo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dalka kusoo Guryo Noqday Iyo kooxda Muuse Biixi oo ay ku Beenowday Inuu La Socdo.
June 9, 2016 - Written by Editor:

Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdcasiis Samaale Oo Sanqadh La,aan Kusoo Galey Hargeysa Iyo Kooxda Muuse Biixi Oo Ay Ku Beenowdey Inuu Lasocdo.

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirkii hore Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale , ayaa sanqadh la,aan kusoo galey caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii uu kasoo gurya noqdey socdaal mudo qaatey,oo uu ku gaadhay cariga Mareykanka,waxaanay sanqadh la,aanta uu kaga soo dagay Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Garoon ka Diyaaradaha Cigaal International Airport ka turjumaysaa in aanay waxba ka jirin habayaraatee been alooskii iyo mala awaalkii ay Kooxda kooban ee la socota Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku sheegteen mudooyinkii u dambeeyay in uu Cabdicasiis Samaale dhinacooga usoo janjeedhsamey Siyaasad ahaan arintaas, oo marka gees kasta laga eego u muuqata been aan sal iyo raad toona laheyn.

wasiirka maaliyada gabiley

Sikasta oo ay tahey marar badan oo Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale dad badan oo xidhiidh dhaw iyo mid durugsan la lihiba wax ka weydiiyeen Socdaalkii Alleybadey uu ku tagey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi kaas oo Siyaasiga Samaale Aabihii Maxamed Samaale Ducaale kuweydiistey taageero iyo hadaladiisii waxa uu Cabdicasiis Samaale ka hal celiyay in ay talaabadaasi aheyd samir taagwaa maadaama aanu la tartameyn Aabihii Maxamed Samaale Ducaale Muuse Biixi ee ay tartan looga hiiliyay wada galeen Cabdicasiis Samaale islamarkaana, Hadii Maxamed Samaale kusoo dhaweeyo Alleybadey ay taasi ka turjumeyso laa Shukri Calaa Waajib.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS.COM

COMMENTS
LINKS